https://www.premierbank.so/

Banaanbaxyo Looga Soo Hor Jeedo Magacaabista Duqa Cusub ee Buule-Burde

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Buule Burde ee Gobolka Hiiraan  ayaa waxa ay sheegaya  in halkaas ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay guddomiye cusub oo Maamulka Hir-Shabeele uu degmadaasi u magacaabay

Boqlaal shacab ah oo ka mid ah dadka deegaanka ayaaayaa subaxnimadii salaasada isku soo baxay  isugu bartamaha magaalada Buule Burde, kuwaasi oo aad uga careysan safar maanta uu halkaas ku tagayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa kasoo horjeestay maamul cusub oo dhawaan buulo-burte u magacaabay Wasiir Caadle, waxaana dadka ay waddooyinka ku gubayaan taayaro waaweyn, iyagoona ku xiray biro iyo agabyo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar kamid ah dadkii banaanbaxaya dhigayay   ay xireen ciidanka jabuuti ee qeybta ka howlgalka amisom ee ku sugan degmada buulo-burte ee gobolka hiiraan.

Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaahabeenimadii ay salaasadu soo galaysay 2- decambar  duqa cusub degmada Buulo-Burte, u magacaabay  maxamed sheekh sharaawe fiidow kaasi oo si aad ah ay uga horyimaadeen dadka ku nool degmadaasi.