https://www.premierbank.so/

Banaanbaxyo Looga Soo Hor Jeedo Magacaabista Duqa Cusub ee Buule-Burde

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Buule Burde ee Gobolka Hiiraan
 ayaa waxa ay sheegaya  in halkaas ay ka taagantahay xiisad ka
dhalatay guddomiye cusub oo Maamulka Hir-Shabeele uu degmadaasi u magacaabay

Boqlaal shacab ah oo ka mid ah dadka deegaanka ayaaayaa
subaxnimadii salaasada isku soo baxay  isugu bartamaha magaalada Buule
Burde, kuwaasi oo aad uga careysan safar maanta uu halkaas ku tagayo Wasiirka
Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa kasoo horjeestay
maamul cusub oo dhawaan buulo-burte u magacaabay Wasiir Caadle, waxaana dadka
ay waddooyinka ku gubayaan taayaro waaweyn, iyagoona ku xiray biro iyo agabyo
kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar kamid ah dadkii
banaanbaxaya dhigayay   ay xireen ciidanka jabuuti ee qeybta ka
howlgalka amisom ee ku sugan degmada buulo-burte ee gobolka hiiraan.

Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaahabeenimadii ay salaasadu soo
galaysay 2- decambar  duqa cusub degmada Buulo-Burte, u magacaabay
 maxamed sheekh sharaawe fiidow kaasi oo si aad ah ay uga horyimaadeen
dadka ku nool degmadaasi.

https://www.premierbank.so/