https://www.premierbank.so/

Hantidhawraha Guud ee Soomaaliya ayaa soosaaray Musuqmaasuq gaadhaya 20 Milyan oo doolar

Hantidhawraha guud ee
Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray arbacadii 9-ka Oktoobar waxa uu
xukuumadda ku eedeeyey in qabo ka mid ah deeqaha dalka soo gaadha ay ku
maamusho nidaamka xisaabeed ee dalka bannaankiisa, iyo in qaar ka mid ah
wasiirrada xukuumaddu aanay weli dhammaystirin xisaab xidhkii sannadkii hore.

Warbixinta ka soo
baxday Hantidhawraha guud ayaa sheegaysa in xukuumaddu aanay khasnadda qaranka
ee bangiga dhexe marin 18 Milyan oo doolar oo ay Midowga Yurub, Boqortooyada
Sucuudiga iyo Qaramada Midoobey ku caawiyeen Soomaaliya. Iyada oo lacagaha
qaarkoodna la dhigay bangiyo dalka dibaddiisa ah oo aanay hay’adaha ku shaqada
leh ee dawladdu si buuxda u maamuli karin.

Warbixinta
xeerilaaliyaha guud waxaa lagu sheegay in Dalka Turkigu uu Soomaaliya ku
caawiyey 20 Milyan oo doolar oo caddaan ah, laakiin lacagtaas sida loo
isticmaalay aan loo samayn hantidhawr madaxbannaan. Iyada oo ay jirto cabsi ah
in caawimo ka yimi Turkiga aan si dhammaystiran waqtigii saxda ahaa loogu
xarayn khasnadda dawladda

Warbixinta
hantidhawraha guud ee Soomaaliya ayaa sida oo kale dhaliisay nidaamka xisaabeed
iyo maamul maaliyadeed ee la mariyo qalabka ay ka mid yihiin gaadiidka, hubka
iyo labbiska ciidamada Soomaaliay ee dagaalka kaga jira jiidaha hore.

Waxa kale oo warbixinta
hantidhawrka lagu sheegay in qaybo ka mid ah raashinka ciidamada la siiyey ee
lagu soo iibiye qandaraasyada dawladda bixisaa uu ahaa raashin waqtigiisu dhacay,
iyo in aanay weli caddayn tirada rasmiga ah ee ciidamada Soomaaliya.

Dhaliilaha uu
hantidhawraha guud soo jeediyey ayaa yimi xilli ay Soomaaliya dadaal ug ujirto
wanaajinta nidaamka maamulka maaliyadeed ee dalka, baanka adduunka iyo dalal
kale oo waaweynina ay kala shaqaynayaan in laga cafiyo deynta 4.6 Bilyan
gaadhaysa ee tobannaanka sano lagu lahaa Soomaaliya.

Deynta
cafinta ayaa ah tallaabo Soomaaliya ka caawin doonta in ay marin iyo galaangal
u hesho hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah iyo dawladaha adduunka oo ay
maalgashiyo iyo deymo cusub ka heli karto.

https://www.premierbank.so/