Nabadoon ku geeryooday Muqdishu, dhaawac kasoo gaadhay Jubbaland bishii hore
Waxaa arbacadii 2-da Oktoobar magaalada Muqdisho ku geeriyooday nabaddoon Garyaqaan Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo ka tirsanaa odayaasha dhaqanka ee deegaanka dawladgobaleedka Jubaland.
Nabadoonka ayaa 13-kii bishii Sabtembar dhaawac culus oo cidda ka dambaysay madow badani ku jiray lagu soo gaadhsiiyey magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad gobaleedka Jubaland, xilligaas oo ay meel aad u sarraysa marayeen xiisadaha weli cawaaqibkoodu taagan yihiin ee ka dhashay doorashadii madaxweynaha dawladgobaleedka.
Nabadoonku waxa uu ka mid ahaa dhowr madax dhaqameed oo bilihii u dambeeyey magaalada Kismaayo loogu dilay sababo loo malaynayo in ay xidhiidh la leeyihiin xiisadaha siyaasadeeed ee intii doorashada ka dambaysay ka taagan Kismaayo. Alle ha u naxariisto ee nabadoon Qalyar oo ka mid ahaa odayaasha sida aadka ah u dhaliila madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Madoobe iyo dhimashadii Sildaan Dhuurre oo ka horreeyey ayaa ay xukuumadda Jubaland la xidhiidhisay ururka Alshabaab, laakiin marxuum Qalyar eheladiisa oo hadlay ayaa iyagu eedda saaray madaxweyne Axmed Madoobe iyo xukuumaddiisa, arrintaas oo kala shaki badan abuurtay.






