https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Rayaale oo nabad ugu baaqay beelaha Ceel-Afweyn

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabadaynta beelaha ku dagaalamaya magaalada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag.

Mudane Rayaale waxa uu sheegay in aanay xal u raadinta colaaddaasi ku habboonayn in la isku tuurtuuro, ama laga dhigo arrin la isku haysto. Sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo ku taliyey in la ilaaliyo nabadgelyada oo uu sheegay in ay tahay furaha nolosha.

Mudane Rayaale waxa uu sheegay in colaadda Ceel Afweyn xallinteda ay ka hawlgaleen ergooyin ka socotay Somaliland oo dhan, balse ay tixgalin waayeen dhinacyada dagaalamaya. Isaga oo nasiibdarro ku tilmaamay in ay dagaal iskaga hor yimaaddaan Wiil iyo abtigii, taas oo uu sheegay in sababteedu ay tahay aafadda qabyaaladda oo uu ku tilmaamay mushkilada koowaad ee Soomaalida.

Madaxwaynihi hore waxa uu sheegay in inkasta oo ay meel fiican marayso xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan gobalka Awdal, haddana ay jiraan turaanturooyin, sidaa awgeed ay habboon tahay in markiiba laga hawlgalo xallintooda.

Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo arbacada 25-ka Sabtembar ka hadlay xaflad qalinjebin arday jaamacadeed ah ayaa ka sheekeeyey colaado sokeeye oo uu xalintooda ku guulaystay wakhtiigii uu ahaa madaxwayne ku xigeenka, kuwaas oo ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, islamarkaana uu ku guulaystay in dadkaasi uu heshii waara ka dhex dhaliyo, nidaam dawladnimona laga hrigaliyo deegaankooda.