Safiirka Shiinaha oo booqday goob caafimaad oo lagu daryeelo Caruurta Soomaaliyeed
Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian ayaa booqday xarun caafimaad oo ku taala degmada wadajir ee gobolka Banaadir oo ay maalgalisay dowladda Shiinaha. Xaruntaan waxaa daryeel caafimaad ka hela in ka badan 15,000 oo carruur Soomaaliyeed ah.
Mashruuca Hooyada iyo Dhalaanka Caruurta ee ay maamusho hayโadda Sanduuqa Carruurta ee QM (UNCIEF) ayaa helay deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo ka timid dawladda Shiinaha.
Dowladda Shiinaha ayaa bishii May ee la soo dhaafay 1.5 oo dollar ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya si loogu caawiyo dadkii ay sameysay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Safiirka Shiinaha ayaa madaxda UNICEF ku amaaanay sida ay u guteen howsha loo igmaday.
โWaxaan taageersanahay mashaariicda horumarinta Soomaaliya, gargaarka biniโaadanimo, nabadda, iyo sidoo kale bixinta deeqaha waxbarasho,โ ayuu yiri Qin intii lagu jiray booqashada xarunta.
Ku-Xigeenka wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Jesper Moller ayaa uga mahadceliyay dawladda Shiinaha deeqda ku aaddan dhismaha xarunta caafimaadka.
Moller ayaa xusay in mashruucan ay ka faaโiideysatay 1,500 oo carruur ah oo markii hore la il darnaa nafaqo-darro tan iyo markii la aasaasay.
Maxamed Axmed, Isu-duwaha Caafimaadka ee xaruntan ayaa sheegay in 35,356 oo caruur ah ay ku daaweeyeen xaruntan sannadkii hore.
โWaxaan baarnay wadar ahaan 34,784 carruur ah, 1,422 carruur ah ayaa lagu daweeyay nafaqo-xumo baโan, 74 kalena waa la dhigey sannadkii hore,โ ayuu yiri Axmed.






