Xulka daโ yarta Itoobiya oo xaqiijiyay ka qeybgalka tartanka nabadda iyo saaxiibtinimada ee Geeska Afrika
Xulka daโ yarta ciyaarahanada Qaranka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay si rasmi ah uga qeyb galayaan tartanka ciyaaraha saaxiibtinimada wadamada Geeska Afrika.
Tartankan ayaa la qorsheynayaa in bisha soo socota lagu qabto dalka Eritrea waxaana lagu casuumay in ay ka soo qeyb galaan wadamada Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea oo iyadu marti gelineysa.
Tartanka ayaa loogu magac daray โKoobka nabadda iyo saaxiibtinimadaโ waxaana la qorsheeyay in bisha Febraayo ee soo socota lagu qabto magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Ilo wareed soo xiganaya Guddiga sare ee ciyaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in xulka daโ yarta qaranka Itoobiya ay ka qeyb geli doonaan tartanka koobka nabadda iyo saaxiibtinimada ee ka dhici doono Eritrea.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xulka daโ yarta qaranka Itoobiya ay bilaabeen u diyaar garoowga tartankan.
Soomaaliya iyo dalka Jabuuti ayaa sidoo kale lagu casuumay ka qeyb galka tartankan inkasta oo weli wax jawaab ah oo ku aadda arrinkaas aysan bixin.






