https://www.premierbank.so/

Hogaamiyeyaasha Waqooyi Bari Kenya oo ka soo horjeestay isku darista degmooyinka

Hoggaamiyeyaasha Ismaamulka Waqooyi Bari Kenya iyo culimada gobolladaas ka soo jeeda ayaa diiday qorshe ay xukuumadda Kenya ku doonayso inay ku yareeyso tirada gobollada iyo degmooyinka maamulkaasi.

Kulan ay yeesheen Golaha Horumarinta Dowladaha Hoose iyo Golaha Baarlamaanka Xoola-dhaqatada oo lagu qabtay Gaarisa, ayaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaannada iyo guddoomiyayaasha gobolada uga wada hadleen qorshayaasha lagu mideeynayo gobollada waqooyigii hore ee xuduudda ku yaalla.

Guddoomiyeyaasha iyo xubnaha baarlamaanka ee ka yimid dhulka miyiga ah ayaa sheegay in aysan taageeri doonin wax dalab ah oo wax-ka-beddelaya xuduudaha waxayna ballan ku qaadeen in ay difaaci doonaan xuduudaha.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in qorshaha cusub uu dib u dhac ku keenayo deegaannada Waqooyi Bari.

“Hoggaamiyeyaasha ka soo jeeda gobolkan waxay mudda aad u dheer u soo halgameen ka joojinta qorshahan lagu yareynayo degmooyinka iyo gobolada, gobolka wuxuu leeyahay aag ballaaran oo aan lagu xakameyn karin qorshahan la soo jeediyay” ayuu yiri Xildhibaan Ducaale.

Xildhibaan Ducaalle ayaa ku boorriyay masuuliyiintii ka soo qeybgalay kulanka in loo midoobo ka hortagga iyo joojinta qorshayaasha lagu yareynayo ama la iskugu biirinayo deegaannada gobolka Waqooyi Bari.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen 10 barasaab iyo dhowr xildhibaan ayuu hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ku ballan qaaday inuu ka qeyb qaadan doono joojinta qorshaha cusub ee ay xukuumadda Kenya ku dooneyso yareynta degmooyinka iyo gobolada Waqooyi Bari Kenya.

https://www.premierbank.so/