https://www.premierbank.so/

Duuliyihii madaxweyne ku xigeenka Kenya oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Saaka oo isniin ah ayaa la xaqiijiyay geerida duuliye, Maryo Majonga oo ahaa duuliyaha gaarka ahaa ee madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Wilyam Ruuto kadib shil diyaaradeed oo shalay galinkii dambe ka dhacay degmada Turkana ee dhacda waqooyiga dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada booliiska Kenya ayaa xaqiijiyay in Magonja iyo afar qof oo kale oo u dhashay dalka Mareykanka ay ku geeriyoodeen shilkan, waxayna intaa ku dareen in ay koox ciidamo ah u direen goobta uu ka dhacay shilka si ay usoo uruuriyaan meydadka iyo burburka dayuuradda.

Diyaaraddan oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ayaanan illaa iyo iminka la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburkeeda xilli ay duullimaad ku jirtay.

Richard Onyonko oo ah xildhibaan qaraabo la ah duuliyaha geeriyooday ayaa warbaahinta u sheegay in duuliyaha geeriyooday iyo dayuuraddiisaba laga waayay raadaarkaa daba gal dheer kaddibse la helay meydkiisa iyo burburka dayuuradda.

Burburka dayuuradda iyo geerida duuliyaha ayaa kusoo beegmaysa saddex todobaad un kadib markii dayuurad ay ku burburtay keynta Londiyaani ee ku taalla ismaamulka Kirijo taasoo ay gabi ahaanba ku geeriyoodeen shan ruux oo saarnayd.

Shilalka dayuuradaha ee kusoo noq noqday Kenya ayaa walaac ku abuuraya heerka kalsoonida lagu qabo duullimaadyada dayuuradaha Kenya.

https://www.premierbank.so/