Dab ka kacay kaamba barakacayaasha ee Naasa-hablood oo baabi’iyey 29 guri iyo masuuliyiinta dab damiska oo ka hadlay
29 guri oo ka mid ah xerada barkacayaasha ee Naasa-hablood ayaa ku shuf belay dab qabsaday duhurnimadii arbacada 27 Feeberweri.
Waxa guryaha ku hoos gubtay gebi ahaanba xamaamtii ay lahaayeen qoysaska deggenaa xeradan oo ku taalla cidhifka woqooyi-bari ee caasimadda Hargeysa, laakiin khasaare nafaeed ma’ uu geysan.
Taliye ku xigeenka ciidamada Dab-damiska ee Somaliland mudane Cabdixamiid Iidle oo warbaahinta la hadlay, kaddib markii ay ciidamadu damba bakhtiiyeen ayaa bulshada ugu baaqay inay ciidamada dab-damiska qaylo dhaanta dabka soo gaadhsiiyaan ka hor inta aanu dabku faafin. Isaga oo sida oo kalana faahfaahin ka bixiyey inta uu le’eg yahay khasaaraha uu dabku geystay.
Qaar ka mid ah dadka deggenaa guryaha gubtay ayaa warbaahinta goobtan gaadhay u sheegay in aanay garanayn sababta rasmiga ah ee dabkan maanta dhalisay. Balse waxa ay xuseen in ay jiraan dad aanay garanayn oo wakhtiyada habeenkii ah ka guba guryaha.
Warbixin uu CODKA BARIGA AFRiKA isniintii 25-kii Febarwari ugu kuur galayey xaaladda nololeed ee barakacayaasha deggen goobtan, ayaa ay u sheegeen in ay muddo dheer ka cabanayeen dad aan la garanayn oo waqtiyada habeenkii ee la hurdo dab qabadsiiya buulasha ay dadkan danyarta ahi ku jiraan.
Warbixintaas waxa ay u sheegeen in guryo ka badan 140 laga gubay xeradan, arrintaas oo ay la socodsiiyeen maamulka gobalka Maroodi-jeex iyo dawladda Hoose ee Hargeysa, balse aan waxba looga qaban. Ballanqaadyo kala duwan oo loo sameeyeyna aanay waxba ka fulin.
Badhasaabka gobalka Maroodi jeex oo isaguna gelin kii hore ee arbacada 27 feeberweri intii aanu dabkan u dambeeyey kicin, warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada bilaysku ay gacanta ku hayaan baadhitaanka cidda gubta guryaha barakacayaasha, isaga oo xusay in ay jiraan dad loo xidhay tuhunka falkaas.






