https://www.premierbank.so/

Dab ka kacay kaamba barakacayaasha ee Naasa-hablood oo baabi’iyey 29 guri iyo masuuliyiinta dab damiska oo ka hadlay

29 guri oo ka mid ah xerada barkacayaasha ee
Naasa-hablood ayaa ku shuf belay dab qabsaday duhurnimadii arbacada 27
Feeberweri.

Waxa guryaha ku hoos gubtay gebi ahaanba
xamaamtii ay lahaayeen qoysaska deggenaa xeradan oo ku taalla cidhifka
woqooyi-bari ee caasimadda Hargeysa, laakiin khasaare nafaeed ma’ uu geysan.

Taliye ku xigeenka ciidamada Dab-damiska ee
Somaliland mudane Cabdixamiid Iidle oo warbaahinta la hadlay, kaddib markii ay
ciidamadu damba bakhtiiyeen ayaa bulshada ugu baaqay inay ciidamada dab-damiska
qaylo dhaanta dabka soo gaadhsiiyaan ka hor inta aanu dabku faafin. Isaga oo
sida oo kalana faahfaahin ka bixiyey inta uu le’eg yahay khasaaraha uu dabku
geystay.

Qaar ka mid ah dadka deggenaa guryaha gubtay ayaa
warbaahinta goobtan gaadhay u sheegay in aanay garanayn sababta rasmiga ah ee
dabkan maanta dhalisay. Balse waxa ay xuseen in ay jiraan dad aanay garanayn oo
wakhtiyada habeenkii ah ka guba guryaha.

Warbixin uu CODKA BARIGA AFRiKA isniintii
25-kii Febarwari ugu kuur galayey xaaladda nololeed ee barakacayaasha deggen
goobtan, ayaa ay u sheegeen in ay muddo dheer ka cabanayeen dad aan la garanayn
oo waqtiyada habeenkii ee la hurdo dab qabadsiiya buulasha ay dadkan danyarta
ahi ku jiraan.

Warbixintaas waxa ay u sheegeen in guryo ka
badan 140 laga gubay xeradan, arrintaas oo ay la socodsiiyeen maamulka gobalka
Maroodi-jeex iyo dawladda Hoose ee Hargeysa, balse aan waxba looga qaban.
Ballanqaadyo kala duwan oo loo sameeyeyna aanay waxba ka fulin.

Badhasaabka gobalka Maroodi jeex oo isaguna
gelin kii hore ee arbacada 27 feeberweri intii aanu dabkan u dambeeyey kicin,
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada bilaysku ay gacanta ku hayaan
baadhitaanka cidda gubta guryaha barakacayaasha, isaga oo xusay in ay jiraan
dad loo xidhay tuhunka falkaas.

https://www.premierbank.so/