https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Midowga Yurub oo joojiyey hadal muhiim ah oo uu waday kaddib markii ay xaaskiisu soo wacday, sababta ku kalliftay oo uu sheegay

Madaxweynaha midowga Yurub ayaa kala jaray hadal uu ka jeedinayey shir jaraa’id oo ahaa xidhitaanka shir-madaxeedkii Yurub iyo Carabta ee magaalada Sharma Sheekh, kaddib markii ay xaaskiisu talefanka saddex jeer ku soo celisay.

In uu taleefanka xilligaas qabtaa waxa ay ahayd arrin ka qoslisay dadkii goobta fadhiyey, waxa se ka sii maad badnaa ereyada uu yidhi markii uu taleefanka dhigay.

Shirka jaraa’id oo ahaaxidhitaanka shir madaxeedkii Yurub iyo Carabta waxaa Madaxweynaha midowga Yurub Jaan Kulowdh Yunkar ku wehelinayey, madaxweynaha Masar oo dalkiisu martigeliyey shirka iyo guddoomiyaya midowga Yurub.

Madaxweynaha midowga Yurub ayaa inta uu khudbadda joojiyey waxa u jeebka kala soo baxay talefankiisa oo dhawaaqayey, kaddibna inta uu codka ka aamusiiyey ayaa uu dib ugu celiyey jeebka, laakiin talefanka ayaa laba jeer oo kale ku soo dhacay isaga oo weli hadalkii wada, taas oo keentay in uu markii saddexaad inta uu khudbadda joojiyo ka jawaabo.

Arrintani yaab ayaa ay ku noqotay dadkii madasha fadhiyey iyo madaxda shirka jaraa’id ay wada qabteen. Waxaana la arkayey iyaga oo madaxweynaha Midowga Yurub si la yaabitaan ka muuqdo u eegaya.

“Waa in aan ilbidhiqsiyo hadalka hakiyo si aan taleefanka uga jawaabo, ee iga raalli ahaada”

ayaa uu yidhi Mudane Yunkar,

arrintaas oo dadka ka wada qoslisay kuma uu joogsan ee markii uu talefankii oo uu ereyo kooban ku yidhi dhigay ayaa uu mar kale dadkii ku soo jeestay, isaga oo u sheegaya in cidda taleefankiisa la soo xidhiidhaysay ay xaaskiisa ahayd.

Isaga oo qoslaya ayaa uu dadkii ku yidhi, “Sidii aan filayey ayuun bay u dhacday oo qofka ila soo hadlayey waa xaaskaygii”

Yunkar oo aad loogu qoslay ayaa intaas ku sii daray, “In aan ka jawaabaa waajib ayaa ay igu hayd, haddii kale ma’ kala joojinayso garaacista taleefanka”

Ma’aha markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha midowga Yurub ku tallaabsado falkan qosolka abuuray oo kale.

Toddobaadkii hore mar uu raysalwasaaraha Ingiriiska Teressa May kula kulmay magaalada Baraselis ee dalka Beljam, ayaa shirkii jaraa’id ee ay wada qabteen raysalwasaarah Ingiriiska waxa uu yimi iyada oo uu dhabanka kaga dheggen yahay balastarka dhakhaatiirtu nabarrada ku dhejiyaan, oo aad u ballaadhan, dad badan ayaa arrintan ku qoslay isna weydiiyey, waxa uu uga jeedo laakiin waxaa markii dambe la ogaaday in uu isku jaray sakiintii uu gadhka ku xiiranayey.

Halkan hoose ka daawo