https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Midowga Yurub oo joojiyey hadal muhiim ah oo uu waday kaddib markii ay xaaskiisu soo wacday, sababta ku kalliftay oo uu sheegay

Madaxweynaha
midowga Yurub ayaa kala jaray hadal uu ka jeedinayey shir jaraa’id oo ahaa
xidhitaanka shir-madaxeedkii Yurub iyo Carabta ee magaalada Sharma Sheekh,
kaddib markii ay xaaskiisu talefanka saddex jeer ku soo celisay.

In uu
taleefanka xilligaas qabtaa waxa ay ahayd arrin ka qoslisay dadkii goobta
fadhiyey, waxa se ka sii maad badnaa ereyada uu yidhi markii uu taleefanka
dhigay.

Shirka
jaraa’id oo ahaaxidhitaanka shir madaxeedkii Yurub iyo Carabta waxaa Madaxweynaha
midowga Yurub Jaan Kulowdh Yunkar ku wehelinayey, madaxweynaha Masar oo
dalkiisu martigeliyey shirka iyo guddoomiyaya midowga Yurub.

Madaxweynaha
midowga Yurub ayaa inta uu khudbadda joojiyey waxa u jeebka kala soo baxay
talefankiisa oo dhawaaqayey, kaddibna inta uu codka ka aamusiiyey ayaa uu dib
ugu celiyey jeebka, laakiin talefanka ayaa laba jeer oo kale ku soo dhacay
isaga oo weli hadalkii wada, taas oo keentay in uu markii saddexaad inta uu
khudbadda joojiyo ka jawaabo.

Arrintani
yaab ayaa ay ku noqotay dadkii madasha fadhiyey iyo madaxda shirka jaraa’id ay
wada qabteen. Waxaana la arkayey iyaga oo madaxweynaha Midowga Yurub si la
yaabitaan ka muuqdo u eegaya.

“Waa
in aan ilbidhiqsiyo hadalka hakiyo si aan taleefanka uga jawaabo, ee iga raalli
ahaada”

ayaa
uu yidhi Mudane Yunkar,

arrintaas
oo dadka ka wada qoslisay kuma uu joogsan ee markii uu talefankii oo uu ereyo
kooban ku yidhi dhigay ayaa uu mar kale dadkii ku soo jeestay, isaga oo u
sheegaya in cidda taleefankiisa la soo xidhiidhaysay ay xaaskiisa ahayd.

Isaga
oo qoslaya ayaa uu dadkii ku yidhi, “Sidii aan filayey ayuun bay u dhacday oo qofka
ila soo hadlayey waa xaaskaygii”

Yunkar
oo aad loogu qoslay ayaa intaas ku sii daray, “In aan ka jawaabaa waajib ayaa
ay igu hayd, haddii kale ma’ kala joojinayso garaacista taleefanka”

Ma’aha
markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha midowga Yurub ku tallaabsado falkan
qosolka abuuray oo kale.

Toddobaadkii hore mar uu raysalwasaaraha Ingiriiska Teressa May kula kulmay magaalada Baraselis ee dalka Beljam, ayaa shirkii jaraa’id ee ay wada qabteen raysalwasaarah Ingiriiska waxa uu yimi iyada oo uu dhabanka kaga dheggen yahay balastarka dhakhaatiirtu nabarrada ku dhejiyaan, oo aad u ballaadhan, dad badan ayaa arrintan ku qoslay isna weydiiyey, waxa uu uga jeedo laakiin waxaa markii dambe la ogaaday in uu isku jaray sakiintii uu gadhka ku xiiranayey.

Halkan hoose ka daawo

https://www.premierbank.so/