https://www.premierbank.so/

Taliye Shub oo Faahfaahin Ka Bixiyay Weerarkii Gurigiisa ee Doolow, Eedeyn Cusubna Jeediyay

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan Taliye Shub, ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay weerarkii dhawaan lagu beegsaday gurigiisa ee degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Taliye Shub ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gurigiisa ay fulisay diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah, isagoo si adag u diiday wararkii kasoo baxay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo sheegayay in qaraxu ka dhashay walxo qarxa oo gudaha guriga lagu farsameynayay.

Sidoo kale, Taliye Shub ayaa sheegay in duqeyntii Doolow uu ka dambeeyay darawalkii gaariga u waday, kaas oo uu sheegay inuu hagayay duqeynta.

Wuxuu sheegay inuusan aqoon u lahayn farsamaynta qaraxyada, isagoo dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inay xiriir la leedahay dad uu sheegay inay horey ugu lug lahaayeen sameynta qaraxyada.

Dhanka kale, Taliye Shub ayaa si kulul uga hadlay dagaalladii iyo duqeymaha ka dhacay magaalada Baydhaba, isagoo dhaliil adag u jeediyay dowladda uu sheegay in muddadii xilkeeda dastuuriga ah ay dhammaatay.

Hadallada Taliye Shub ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin eedeymo is-daba-joog ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay duqeyntii lagu beegsaday hoygiisa degmada Doolow.

Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarka, halka maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyo kale ay ku adkeysanayaan in guriga si toos ah loo bartilmaameedsaday.