Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Furay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka
Hargeysa, Somaliland — 16 Sebtembar 2026:
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa magaalada Hargeysa ka furay Shirweynaha Horumarinta Ganacsatada Yaryar, Kuwa Dhexe iyo Iskaashatooyinka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.
Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, loo xoojin lahaa iskaashatooyinka, loona abuuri lahaa fursado cusub oo kobcinaya doorka ganacsatada ee dhaqaalaha Somaliland.
Waxaa shirweynaha ka qaybgalaya masuuliyiin ka tirsan dawladda, ganacsatada, ururrada ganacsiga, iskaashatooyinka iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa sheegtay in shirweynuhu yahay madal muhiim ah oo lagu dhageysanayo caqabadaha haysta ganacsatada, lagu soo bandhigayo fursadaha jira, laguna abuuri karo iskaashi iyo xalal wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo ganacsatada yaryar, kuwa dhexe iyo iskaashatooyinka.
Shirweynahan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee lagu horumarinayo ganacsiga gudaha, dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi iyo xoojinta kaalinta ganacsatada ee horumarinta dhaqaalaha dalka.






