Shaqaalaha Duulista Kenya oo Soo Afjaray Shaqo-joojin Laba Maalmood Socotay
0 Comments
taas oo carqalad weyn ku keentay duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta iyo garoomo kale oo dalka ah.
Reuters ayaa sheegtay in shaqo-joojintu ay sababtay baaqasho iyo dib-u-dhac ku yimid duulimaadyo, kuwaas oo saameeyay safarrada Kenya iyo dalal kale oo Bariga Afrika ah.
Shaqaalaha ayaa dalbanayay heshiisyo shaqo oo wadajir ah, dib-u-eegista mushaharka iyo in wax laga qabto cabashooyin ay ka qabeen maamulka hay’adaha duulista.
Dowladda, ururka shaqaalaha iyo shirkadda Jambojet ayaa ugu dambeyn gaadhay heshiis shaqaalaha loogu oggolaanayo inay shaqada ku laabtaan, iyadoo la ballanqaaday in wada-hadallada arrimaha aan weli la xallin ay sii socdaan.





