https://www.premierbank.so/

Israel oo Heegan Sare Gelisay Ciidamada Badda, Kadib Dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee Gobolka

Ciidamada badda ee Israel ayaa heegan sare la geliyay, kadib markii ay sheegeen inay doonayaan inay ka hortagaan dhaqdhaqaaqyo cusub oo ay ciidamada badda ee Turkigu ka wadaan badda iyo dalalka gobolka.

Sida uu qoray wargeyska Jerusalem Post, Israel waxay si gaar ah ula socotaa dhaqdhaqaaqyada Turkiga ee badda, cirka iyo dhulka, gaar ahaan meelaha ku dhow Giriigga, Qubrus iyo Suuriya.

Wargeysku waxa uu sheegay in Israel ay walaac ka qabto in Turkigu kordhiyo awooddiisa militari ee Suuriya, taas oo ay sheegtay inay saameyn karto xorriyadda ay Israel u leedahay difaaceeda.

Dhanka kale, Giriigga iyo Qubrus waxay sidoo kale xoojinayaan xidhiidhkooda militari ee Israel si ay iska kaashadaan sidii loo xaddidi lahaa saameynta badeed ee Turkiga.