Yale: Saldhig Itoobiyaan oo u Dhow Xuduudda Suudaan oo Lagu Arkay Diyaargarow Ciidan oo Ballaaran
Cilmi-baarayaal ka tirsan Humanitarian Research Lab (HRL) ee Jaamacadda Yale ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq ciidan oo ballaaran laga diiwaangeliyey saldhig ay ciidamada difaaca Itoobiya (ENDF) ku leeyihiin magaalada Asosa ee galbeedka Itoobiya, taas oo ku dhow xuduudda Suudaan.
Falanqaynta sawirrada dayax-gacmeedka ee la qaaday intii u dhaxaysay 23 iyo 28 Agoosto ayaa muujisay in saldhigga lagu arkay ku dhowaad 100 gaari oo nooca farsamada fudud ah, kuwaas oo tiradoodu qiyaastii lix jibbaar ka badan tahay tii saldhigga laga diiwaangeliyey 23 Agoosto.
Yale ayaa sheegtay in qaar ka mid ah gaadiidkaasi ay leeyihiin qalab hub lagu rakibo, iyadoo ugu yaraan shan gaari loo malaynayo inay wataan hub ku rakiban. Sidoo kale, waxaa la arkay 15 gaari oo u muuqda gaadiidka gaashaaman ee ciidamada, iyo shan gaari oo kuwa gaadiidka culus ah iyo 14 jiidooyin ah.
Sida ay cilmi-baarayaashu qiimeeyeen, gaadiidkan cusub wuxuu qaadi karaa inta u dhaxaysa 750 ilaa 1,000 qof, taas oo awood u siin karta in lagu qalabeeyo ciidan cabbirkiisu gaadhayo heer guuto ama qayb ciidan oo weyn. Si kastaba, Yale waxay caddeysay in tiradani tahay awoodda gaadiidka ee la qiyaasay, ayna macnaheedu ahayn in tiradaas askari lagu arkay saldhigga.
Dhaqdhaqaaqa milatari ayaa sidoo kale la socday ballaarin dhinaca saadka ah. Intii u dhaxaysay 23 iyo 28 Agoosto waxaa saldhigga lagu arkay 15 konteenar oo cusub iyo ugu yaraan siddeed gaari xamuul ah, halka ugu yaraan 60 konteenar ay halkaas gaadheen intii u dhaxaysay dhammaadkii Juun iyo 23 Agoosto.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale diiwaangeliyeen dhisme cusub oo dhererkiisu yahay ku dhowaad 70 mitir, ballaciisuna yahay 17 mitir, kaas oo ay u arkaan inuu u badan yahay bakhaar loogu talagalay kaydinta gaadiidka.
Digniinta Yale waxay kusoo beegmaysaa xilli dagaallada u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ay mar kale ka sii xoogaysanayaan gobolka Blue Nile.
RSF ayaa 10 Agoosto ka bilowday weerar rogaal-celin ah oo ka dhacay deegaanka Kurmuk, iyadoo dagaalladu ku fidiyeen deegaanno kale oo gobolka ah. 28 Agoosto, RSF waxay sheegatay inay qabsatay laba saldhig oo ay lahaayeen ciidamada Suudaan, oo ay ku jiraan xarunta Guutada 13-aad ee Infantry-ga ee Bakori iyo saldhig kale oo ku yaalla Surkum. Yale ayaa sheegtay in aanay si madax-bannaan u xaqiijin karin sheegashooyinkaas iyadoo la adeegsanayo sawirrada dayax-gacmeedka ee ay hayso.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa horey ugu eedeeyay RSF inay sahay iyo taageero ku hesho waddooyin mara dhinaca Asosa xilli ay weerarro ka fulinayso Kurmuk iyo Geissan. Si kastaba, Yale waxay sheegtay in sawirrada dayax-gacmeedku xaqiijinayaan oo keliya uruurinta gaadiidka iyo qalabka saldhigga, balse aysan kaligood caddeyn karin cidda maamusha qalabkaas, halka uu ku wajahan yahay ama hawlgalka loogu talagalay.
Yale HRL waxay ka digtay in uruurinta milatari ee Asosa ay kordhin karto suurtagalnimada weerar weyn oo ay RSF ku qaaddo Ad-Damazin, caasimadda gobolka Blue Nile. Weerar noocaas ah wuxuu khatar gelin karaa shacabka, wuxuuna sababi karaa dhimasho iyo barakac cusub, oo ay ku jiraan dad u gudba xuduudda Itoobiya.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale qiimeeyeen in cadaadiska ka imanaya Blue Nile uu qayb ka noqon karo qorshe lagu kala firdhinayo ciidamada Suudaan, si loogu qasbo inay ciidamo u kala diraan dhowr jiho, oo ay ku jirto North Kordofan.
Xaaladdan waxay muujinaysaa sida dagaalka Suudaan uu ugu sii fidayo saameyn ka baxsan xuduudaha dalka, gaar ahaan dalalka ku dhow Geeska Afrika. Dhaqdhaqaaqyada militari ee ka dhacaya meelaha xuduudaha ah waxay sidoo kale kordhin karaan khatarta barakaca iyo qulqulka qaxootiga ee gobolka






