https://www.premierbank.so/

Morocco oo Xoojisay Ammaanka Fnideq Kadib Isu-soo-bax Muhaajiriin ah oo Xuduudda Ceuta Ku Wajahan

Morocco ayaa si weyn u xoojisay ammaanka magaalada Fnideq, oo ku dhow xuduudda Ceuta ee Spain, kaddib markii boqolaal muhaajiriin ah ay halkaasi ku urureen.

Tallaabadan ayaa timid kadib warar aan la xaqiijin oo baraha bulshada lagu faafiyay, kuwaas oo sheegayay in xuduudda Ceuta la furay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa toddobaadyo kaddib qalalaasihii ugu weynaa ee sannadihii u dambeeyay ee ka dhacay xuduudda Ceuta, markaas oo tobannaan kun oo qof ay isku dayeen inay galaan dhulka ay Spain maamusho.