https://www.premierbank.so/

Maxaa kasoo kordhay xaaladda ilaalinta ku-meel-gaadhka ah ee Soomaalida ku nool Maraykanka?

Maxkamad federaal ah oo ku taalla gobolka Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaadh ah u hakisay qorshe lagu soo afjarayay barnaamijka Ilaalinta Ku-Meel-Gaadhka ah ee ay ku hoos nool yihiin muwaadiniin badan oo Soomaali ah.

Garsoore Allison D. Burroughs ayaa sheegtay in joojinta degdegga ah ee barnaamijkan ay sababi karto cawaaqib culus, maadaama ku dhowaad 1,100 Soomaali ah ay markaas wajihi karaan masaafurin, xabsi ama khataro amni haddii dib loogu celiyo Soomaaliya.

Go’aanka maxkamadda ayaa sidoo kale caddeeyay in inta hakintani socoto dadka haysta ilaalinta ku-meel-gaadhka ah ay sii haysanayaan xuquuqdooda sharci, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha shaqada iyo ka-ilaalinta masaafurinta.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa ku doodaysa in maamulka Trump uu aaminsan yahay in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, sidaas darteedna aanay jirin sabab sharci oo sii oggolaanaysa in barnaamijkan la sii wado.