Ugu yaraan 175 qof ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday dugsi hoose oo gabdho ah oo ku yaalla koonfurta Iran, dhacdo si weyn u gilgishay bulshada iyo caalamkaba.
0 Comments
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerarkaasi ay Iran lafteedu fulisay, isagoo ku eedeeyay Tehran inay ka dambaysay dhacdada.
Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in dhacdadan weli baadhitaan lagu hayo, isla markaana aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda ka dambaysay.
Dhacdooyinka lagu beegsanayo dadka rayidka ah ayaa sii kordhaya tan iyo bilowgii dagaalka, iyadoo hay’adaha caalamiga ahi ay marar badan ka digayaan khatarta ay tani ku leedahay badbaadada shacabka.

