Dhaqaalaha Masar oo Halis Galay, Giniga oo Gaadhay Heerkii Ugu Hooseeyay 8 Bilood
Madaxweynaha Masar, Cabdilfataax Al-Siisi ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo xaalad dhaqaale oo halis ah, taas oo ka dhalatay colaadaha ka socda Bariga Dhexe. Hadalkan ayaa yimid kadib markii lacagta Giniga Masar uu hoos u dhacay, isagoo gaadhay Khamiistii heerkii ugu hooseeyay siddeed bilood marka loo eego doolarka Maraykanka.
Dhaqaalaha Masar wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay badeecooyin dibadda laga soo dejiyo, sida cunto iyo shidaal. Marka qiimaha lacagta dalku hoos u dhacdo, qiimaha badeecooyinkaas ayaa kordha, taas oo nolosha dadka ka dhigta mid qaali ah.
Tan iyo sannadkii 2022, lacagta Masar ayaa lumisay ku dhowaad sadex-meelood laba meel qiimaheeda. Hoos-u-dhacani wuxuu la xidhiidhaa sicir-barar sare, deymaha dibadda, iyo saameynta qalalaasaha ka jira gobolka.






