In ka badan 100 askari iyo shaqaale ah ayaa la la’yahay kadib markii markab milatari oo ay leedahay Iran uu ku degay badweynta Hindiya meel u dhow xeebaha Sri Lanka.
0 Comments
Markabka oo lagu magacaabo IRIS Dena ayaa watay ku dhawaad 180 qof, iyadoo ilaa hadda in ka badan 30 qof la badbaadiyey, halka kuwa kale weli la raadinayo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in markabka laga yaabo in lagu dhuftay weerar ka yimid submarine, inkastoo faahfaahinta rasmiga ah weli la baadhayo.
Ciidamada badda iyo cirka ee Sri Lanka ayaa bilaabay hawlgal samatabbixin balaadhan, iyagoo raadinaya dadka ka badbaaday iyo kuwa weli la la’yahay.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari ee gobolka iyo badaha caalamka, taas oo walaac cusub ku abuurtay amniga maraakiibta ee badweynta Hindiya.

