Trump oo weerar afka ah ku qaaday Raysal Wasaarada Ingriiska Starmer,waxaanu xusay in xidhiidhkoodu aanu sidii hore ahayn”
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si kulul u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, isagoo ku eedeeyay inuusan door wax ku ool ah ka qaadan taageerada weerarrada Maraykanka ee Iiraan.
Wareysi uu siiyay wargeyska The Sun, Trump wuxuu ku sheegay Starmer “mid aan waxtar lahayn,” isagoo intaa ku daray inuu ka niyad jabay mowqifka Boqortooyada Ingiriiska. Wuxuu sidoo kale xusay in xidhiidhka labada dal “uusan sidii hore ahayn,” taasoo muujinaysa kala fogaansho diblomaasiyadeed.
Isniintii, Starmer ayaa Aqalka Hoose ka sheegay in dowladdiisu aysan taageersanayn in isbeddel nidaam lagu sameeyo Iiraan iyadoo la adeegsanayo awood cirka ah. Inkastoo UK markii hore diiday in saldhigyadeeda loo adeegsado weerarro, haddana ugu dambeyn waxay oggolaatay in loo isticmaalo hawlgallo ay ku tilmaantay “is-difaac.”
Trump wuxuu si gaar ah u amaanay Faransiiska, isagoo sheegay in dalalka kale ay muujiyeen mowqif ka duwan kan UK, taasoo sii iftiiminaysa kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka dhex muuqda xulafada reer Galbeedka.






