Saameyn noocee ah ayuu dagaalka Bariga Dhexe ku yeelanayaa dunida?
Dagaalka ka aloosan Bariga Dhexe ayaa isu beddelay qalalaase dhaqaale iyo mid amni oo dunida oo dhan taabanaya. Warbixinno ay baahiyeen warbaahinta caalamku ayaa muujinaya in xiisaddu dhalisay cabsi, barakac iyo hoos-u-dhac dhaqaale oo ka jira dalal badan, iyadoo khatar gaar ah ay soo wajahday marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, oo ah halbowlaha maraakiibta shidaalka adduunka.
Suurtagalnimada carqalad ama xidhitaan halkaas ka dhaca ayaa si toos ah u qaaliyeynaysa shidaalka, gaar ahaan dalalka ku tiirsan shiidaalka Khaliijka sida Shiinaha, Hindiya iyo Afrika, halka Yurubna uu kor u kacay qiimaha gaaska iyo tamarta, taas oo sare u qaaday kharashaadka warshadaha iyo nolosha shacabka.
Sidoo kale, duulimaadyadii caalamiga ahaa ayuu saameyn xooggan ku yeeshay, iyadoo badiba hawada gobolka la xidhay ama la xaddiday, halka suuqyada saamiyada, gaar ahaan kuwa Yurub, ay hoos u dhaceen ilaa qiyaastii 2% muddo kooban gudaheed.
Korodhka qiimaha shidaalka iyo gaasta ayaa horseeday sicir-barar cusub oo khatar gelinaya xasilloonida dhaqaale ee dalal badan.
Afrika inteeda badan, gaar ahaan Geeska Afrika, oo si weyn ugu tiirsan shidaalka iyo ganacsiga ka yimaadda dalalka Khaliijka, waxay si toos ah u dareemi karaan saameynta korodhka qiimaha, taas oo keeni karta in qiimaha shidaalka gudaha, kharashaadka gaadiidka iyo maciishaddu sare u kacaan, isla markaana hoos u dhac ku yimaado ganacsiga iyo xawaaladaha ku xidhan Khaliijka.
Ugu danbayn, dagaalkani ma aha oo kaliya mid goboleed, balse waa mid leh saameyn dhaqaale iyo mid amni oo caalami ah.






