https://www.premierbank.so/

Abaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka JSL oo Soo Xidhay Tababar Saraakiil Lagu Carbiyey Kuliyadda Saraakiisha ee Cabdilaahi Askar

Abaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Guuto Axmed Xasan Faarax iyo Hoggaanno ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL, ayaa maanta tababar u soo xidhay Saraakiil lagu carbiyey gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kuliyadda saraakiisha ee Cabdilaahi Askar.
Saraakiishan qallin jabiyey, ayaa waxa lagu tababarayey muddadii uu u socday culuunta dhinaca ciidamada iyo xirfaddaha muhiimka u ah Saraakiisha Ciidanka Qaranka.
Abaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka JSL Sareeye Guuto Axmed Xasan Faarax, oo hadal u jeediyey Saraakiishan, ayaa kula dardaarmay in ay qarankooda ugu adeegaan si daacadnimo iyo hufnaan leh. Tababarkan ayaa qayb ka ah hayaanka lagu kobcinayo xirfadaha iyo tayada Ciidamada Qaranka JSL.