𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐗𝐢𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Masuuliyiinta Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, kuwaasi oo dhawaan loo magacaabay Xilalka Qaranka.
Munaasibadda Dhaarta Dastuuriga ah ee Masuuliyiinta loo magacaabay Xilalka Qaranka, waxa M/weynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu Masuuliyiintan ku dhaariyey Madaxweynaha hortiisa,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Munaasibadda kadib waxa uu Masuuliyiinta u jeediyey hadal isugu jira dardaaran iyo duco, isaga oo Masuuliyiinta xasuusiyey in dhaartu tahay arrin aad u culus, Masuuliyiintana looga baahan yahay in ay si buuxda u ilaaliyaan Cahdiga ay qaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhaarta Xilalka Qaranka JSL ay tahay ballan-qaad culus oo Diini iyo Dastuuriba ah kaasoo Masuuliyiinta Xilalka loo magaacabay si joogto ah ugu baraarujinaya culayska uu leedahay Xilka Qaran ee ay u dhaarteen.
Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta kula dardaarmay
in ay Xilalka Qaranka u gutaan sinnaan, caddaalad, eex la’aan iyo hufnaan, si ay uga hadho taariikh wacan oo lagu xasuusto. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta Allah SWT uga baryey in uu Xilka Qaran ku asturo oo u fududeeyo.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇






