https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka Qayb-galay Xafladda Furitaanka Bangiga WADAAG

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay xafladda furitaanka rasmiga ah ee Bangiga WADAAG, oo si rasmi ah looga daahfuray magaalada Hargeysa.

Munaasibadda furitaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka, ganacsato waaweyn, madaxda bangiyada dalka ka hawlgala, aqoonyahan, qurbe-joog, bulshada rayidka ah, iyo marti-sharaf kale.

Bangiga WADAAG waxa uu noqonayaa hay’ad maaliyadeed oo casri ah, kanaalin doonta kobcinta dhaqaalaha dalka, fududeynta adeegyada bangiyada, iyo dhiirrigelinta maalgelinta gudaha.

Mabaadi’da iyo yoolalka aasaasiga ah ee Bangiga WADAAG waxa lagu soo koobi karaa saddex qodob:

  1. Midaynta awoodaha dhaqaale ee bulshada Somaliland,
  2. Xoojinta wax-soo-saarka gudaha dalka,
  3. Yaraynta saboolnimada bulshada.
    Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa maamulka iyo mulkiilayaasha Bangiga WADAAG ku bogaadiyey dadaalka iyo maalgashiga ay dalka ku soo kordhiyeen, isagoo xusay in hay’adaha maaliyadeed ee casriga ahi ay laf-dhabar u yihiin horumarka dhaqaalaha, shaqo abuurka muwaadiniinta, iyo xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibedda.

Sidoo kale, munaasibadda waxa hadallo qiimo leh ka jeediyey:

  • Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Bangiga WADAAG,
  • Guddoomiyaha Bangiyada Gaarka loo leeyahay,
  • Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga JSL,
  • Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Somaliland,
  • Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI iyo KAAH,
  • Wasiirrada Ganacsiga & Dalxiiska iyo Horumarinta Maalgashiga & Warshadaha.

Madaxweynuhu waxa uu carabka ku adkeeyey in bangiyadu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha qaranka, iyagoo door muhiim ah ka qaata:

  1. Kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta suuqyada maaliyadeed,
  2. Dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda,
  3. Abuurista fursado shaqo oo muhiim u ah dhalinyarada,
  4. Hagaajinta adeegyada maaliyadeed ee casriga ah.
    Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sheegay in horumarka hay’adaha maaliyadeed ee dalka ay muujinayaan kalsoonida iyo isbeddelka dhaqaale ee Somaliland. Waxa uu bulshada iyo ganacsatada ku dhiirrigeliyey in ay ka faa’iidaystaan adeegyada uu bixiyo Bangiga WADAAG iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee dalka ka hawlgala.

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland