https://www.premierbank.so/

Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Boorama- Somaliland

Goraya-cawl, Somaliland – Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Goraya-cawl, oo ku yaalla xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, kaddib safar uu kaga soo kicitimay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Soo dhaweynta Ugaaska waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, xildhibaano, madax-dhaqameedka Somaliland iyo boqolaal shacabka gobolka Awdal ah oo lulayay caleemo qoyan, taas oo muujisay farxadda iyo miisaankiisa dhaqameed.

Ugaaska Guud ayaa shacabka kula dardaarmay in ay ilaashadaan nabadgelyada, midnimada iyo wadajirka Somaliland, isagoo ku boorriyay in la xoojiyo isku duubnida bulshada.

Imaanshihiisa Somaliland waxa uu yimid kaddib isbedelkii doorashada madaxtooyada ee 13-kii November 2024, markaas oo uu guuleystay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbigiisa Waddani. Madaxweyne Cirro iyo xisbigiiisa ayaa hore u ballanqaaday in ay soo celin doonaan Ugaaska Guud, iyagoo muujiyay xushmad iyo ixtiraam ay u hayaan kaalinta dhaqameed ee hoggaamintiisa.

Ugaaska Guud ayaa dalka ka baxay sanadihii la soo dhaafay kadib markii uu khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay isaga iyo madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Imaatinkiisa maanta ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah ballanqaadyadii Madaxweyne Cirro ee rumoobay, taasoo calaamad u ah dib u heshiisiinta iyo soo celinta kalsoonida bulshada gobolka Awdal iyo guud ahaan Somaliland.