https://www.premierbank.so/

Madaxweyne Perez Oo Kulan Saacad Iyo Badh Ah Shalay La Qaatay Carlo Ancelotti & Haddii Uu Real Madrid Ka Caydhinayo.

 

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayay wararku sheegayaan inuu kulan wakhti badan qaatay shalay oo Jimce ahayd kula yeeshay xerada tababarka ee Valdebebas tababare Carlo Ancelotti.

Kulankaas oo lagu sheegay inuu 90 daqiiqo dhammaa ayaa imanaya xilli ay Real guuldarro culus oo 4-0 ahi kasoo gaadhay kooxda uu xifaaltanka ba’ani ka dhaxeeyo ee Barcelona Axadii toddobaadkii hore.

Warbixinta ayaa sheegaysa in madaxweyne Perez uu taageero buuxda kulankaas ugu muujiyay tababaraha Talyaaniga ah oo eedaymo la kulmayay kaddib guuldaradaas.

Perez ayaa ku amaanay Ancelotti shaqadiisa ilaa haatan xilli ciyaareedkan xilli ay kooxdu u tartami doonto horyaalka La Liga oo ay aad ugu dhawdahay hanashadiisa iyo Champions League oo ay wareega siddeed dhammaadka joogtaba.

Guuldarradaas Barcelona ayaa xaalad adag iyo su’aalo badan in la is weydiiyo keentay Santiago Bernabeu laakiin Perez ayuusan shaki kaga jirin qofka uu doonayo inuu hoggaamiyo kooxda inta xilli ciyaareedka ka dhiman.

Kaddib markii ay Spanish Super Coppa kusoo guuleysteen horraantii xilli ciyaareedka, Los Blancos ayaa sagaal dhibcood ku haya hoggaanka La Liga waxaana ay u muuqdaan kooxda ugu cad cad inay May u dabaaldegto guusha horyaalka.

Real Madrid ayaa Chelsea la ciyaari doonta wareega siddeed dhammaadka Champions League 6-da iyo 12-ka April iyaga oo doonaya inay reebaan kooxda tartanka difaacanaysa.

 

 

https://www.premierbank.so/