https://www.premierbank.so/

RASMI: Xidhiidhka FA-ga Oo Shaaciyey Waqtiga Ciyaarta Liverpool vs Man City Ee Semi-finalka FA Cup, Go’aana Ka Gaadhay Garoonka Lagu Ciyaarayo

 

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa go’aan ka gaadhay garoonka lagu ciyaarayo kulanka semi-finalka tartanka FA Cup ee Liveprool iyo Manchester City ee badhtamaha bisha dambe ee April.

Ciyaartan ayay labada kooxood dalbadeen in laga wareejiyo garoonka Wembley maadaama jidadka tareennada ee ka yimaadda dhinaca magaalooyinka Liverpool iyo Manchester dibu-dhis lagu samaynayo, taas oo dhibaato ku noqonaysa in taageereyaashu ay yimaaddaan magaalada London.

Xidhiidhka FA-gu waxa uu shaaciyey in ciyaartan la dheeli doono maalinta Sabtida ee 16ka bisha April, taas oo u suurtogelinaysa taageereyaal badan inay yimaaddaan magaalada London ka hor inta aan la gaadhin waqtiga la xidhayo jidadka tareennada.

Laakiin xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa xaqiijiyey in ciyaartani ay ka dhici doonto Wembley oo aan laga guuri doonin dhaqankii soo jireenka ahaa, hase yeeshee waxa uu xidhiidhku u diyaariyey taageereyaasha 100 bas oo kasoo qaadi doona Woqooyi-Galbeed illaa London, waxaanay soo qaadi doonaan illaa 5,000 taageereyaal ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhku ayaa lagu yidhi: “FA-gu waxa uu ogyahay in taageereyaasha Liveprool iyo Manchester City qaarkood ay caqabad kala kulmi doonaan adeegga tareennada oo yaraan doona.

“FA-gu waxa uu ku faraxsan yahay inuu shaaciyo in tiro yar oo taageereyaasha ah uu ugu deeqo basas bilaash ah oo soo qaadi doona taageereyaasha semi-finalka Liverpool iyo Manchester City. Xidhiidhku waxa uu u qorsheeyey in 100 bas ay taageereyaasha kasoo qaadaan Anfield iyo Etihad Stadium oo ay keenaan Wembley Stadium, dibna ay ugu celiyaan.

“Waxay tani xaqiijin doontaa in 5,000 taageereyaasha Liverpool iyo Manchester City ah ay awoodi doonaan inay si bilaash ah ugu soo safraan garoonka Wembley.”

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/