https://www.premierbank.so/

Mesut Ozil Oo Saadaaliyey Cidda Ku Guuleysanaysa Champions League, Premier League Iyo Koobka Adduunka.

 

Xiddiga Muslimka ah ee Mesut Ozil ayaa saadaal ka bixiyey koobabka waaweyn ee sannadkan 2022 la kala qaadayo, waxaanu si gaar ah farta ugu fiican Koobka Adduunka oo uu saadaaliyey in waddan ay ugu dambaysay sannadkii 1966kii uu ku guuleysan doono.

Waxa kale oo uu Ozil saadaaliyey labada kooxood ee ku kala guuleysan doona horyaalka Premier  League iyo tartanka Champions League xilli ciyaareedkan socda.

Kubbad-sameeyahan hore ee Real Madrid iyo Arsenal ee hadda u ciyaara Fenerbahce, waxa uu ka farxiyay kooxaha Manchester City iyo Liverpool oo uu sheegay inay ku kala guuleysan doonaan horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League.

Manchester City ayaa uu uga hadhay horyaalka, hase yeeshee waxa uu Pep Guardiola ugu bushaareeyey qalbi-jab kale oo uu kala bixi doono tartanka Champions League oo ah hiigsiga ugu weyn ee Man City.

Hal dhibic oo ay ka horreyso Liverpool iyadoo sagaal kulan ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, waxa uu Ozil tilmaamay in aanay cidina soo gaadhi doonin Man City oo ay ku guuleysan doonto horyaalka, hase yeeshee Liverpool ay iyaduna hanan doonto Champions League.

Liverpool ayaa wareegga siddeedda Champions League ku beegantay Benfica, haddii ay soo gudubtana waxay semi-finalka iskugu iman doonaan Bayern Munich ama Villarreal midkooda soo guuleysta. Haddii ay halkaas sii dhaafaan, waxay iska xaadirin doonaan Stade de France oo finalku ka dhacayo.

City ayaa iyaduna ku dhacday Atletico Madrid wareega siddeedda, haddii ay soo gudubtana waxay waajihi doontaa Chelsea iyo Real Madrid midkooda soo baxa.

Mesut Ozil oo bartiisa twitter-ka adeegsanaya ayaa saadaaliyey in Liverpool ay noqon doonto kooxda ku guuleysta Champions League, halka Man City uu siiyey horyaalka.

Xiddigan xulka  qaranka Germany kula guuleystay koobkii adduunka 2014, waxa kale oo uu saadaaliyey waddanka ku guuleysanaya Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qaban doono waddanka Qatar.

Xulka qaranka England oo sannadkii 2018 yimid wareegga semi-finalka, isla markaana finalkii Euro 2020 uu Talyaanigu rikoodheyaal kaga qaaday ayuu Mesut Ozil saadaaliyey inuu ku guuleysan doono Koobka Adduunka.

Ingiriiska ayay ugu dambaysay inuu ku guuleysto Koobka Adduunka sannadkii 1966kii.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/