Waa La Isku Soo Galay!! Dawladda UK Oo Xayiraad Kusoo Rogaysa Manchester City Iyo Mulkiilaheeda Sheikh Mansour
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la qorshaynayaa in la geliyo xaaladda Chelsea oo kale, waxaana miiska saaran qorshe xayiraado iyo cuno-qabatayn loogu soo rogayo, mulkiilaheeda Sheikh Mansour.
Dawladda UK ayaa ka cadhaysan xaaladda siyaasadeed ee waddanka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan qoyska maamula Imaaradda Dubai oo toddobaadkan soo dhoweeyey Madaxweynaha waddanka Suuriya oo booqasho ku yimid.
Bashar Al-Assad ayaa si lama filaan ah uga soo degay magaalada Abu Dhabi, waxaana soo dhoweeyey Sheikh Mansour iyo maamuleyaasha Imaaraadka Carabta.
Sida ay sheegtay BBC-du, dawladda UK ayaa si adag u dhalleecaysay mulkiilaha Mancheter City ee Sheikh Mansour oo sidoo kale lagu eedaynayo inuu u dhago-nugul yahay madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin iyo Bashar Al-Assad oo xulafo ah.
Xaaladaha siyaasadeed ee adag ee ka jira dunida ayaa cawaaqib xun ku yeelanaya horyaalka Premier League oo hore ay Chelsea dhulka ula galeen xayiraado la saaray hantida Roman Abramovich oo ay dawladda UK la wareegtay wixii gudaha dalkeeda u yaallay maalqabeenkan Ruushka, sidoo kalena waxa Blues laga mamnuucay inay heshiisyo samayso, sidoo kalena iibiso tigidhada iyo dharka kooxdeeda. Waxa kale oo heshiisyadii ay kula jireen joojiyey shirkadaha lacagaha badan ku siin jiray xayaysiinta.
Manchester City ayaa iyaduna hadda halis ugu jirta inay qabtaas oo kale ku dhacdo, waxaana isasoo taraya arrinta la xidhiidha in dawladda UK ay ka fiirsanayso in ay xayiraado kusoo rogto Sheikh Mansour iyo hantidiisa oo ay ka mid tahay Manchester City.