https://www.premierbank.so/

RASMI:- Ujeeddada Ganacsatadu uga mid yihiin Weftiga Madaxweynaha JSL Ee Maraykanka.

Madaxweynaha JSL Mudane MBC, ayaa sheegay in Sababta uu weftigiisa ugu daray Ganacsatadu ahayd inay Dawladda Maraykanka kala xaajoodaan in Somaliland loo furo suuqa Ganacsiga Caalamiga ah iyo Wada-shaqayn dhex mara baananka Adduunka, sida Baanka Adduunka.
Madaxweynaha oo Washington DC khudbad ugu jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in arrinta ah in Somaliland loo furo suuqa Ganacsiga ay Dawladda Maraykanku kala shaqaynayso, arrintaasina meel fiican marayso.
12-kii bishan March oo Weftiga Madaxweynuhu ka ambo-baxeen Hargeysa, ayaa dadka dhinaca xun wax ka eegaa waxay Safarka Madaxweynaha ku macneeyeen mid ‘Ganacsi’ iyagoo u daliishanaya Xubnaha Ganacsatada ah ee ka midka ahaa, laakiin hadalka Madaxweynuhu ku faahfaahiyey ujeeddada Ganacsatadu ay Weftigiisa uga mid noqdeen, ayaa jawaab u ah wixii War-xumo
tashiilku hore uga fidiyeen Socdaalka Weftiga Madaxweynaha JSL.
Somaliland, dadka wax ku qora baraha Bulshada qaarkood, ayaan arrimaha ay baahiyaan hubsan, balse u qora sida ay doonaan, iyagoo cid gaar ah ku xumaynaya, taasi oo marmarka qaarkood jaho-wareer ku ridda Muwaadiniinta aan si hoose wax u ogayn.
Hase-ahaatee, waxa muhiim ah in Qof kastaa uu xil iska saaro wixii ay ummadda la wadaagayaan.
Allaahu Maa balaqtu. !!
A A. Carab Cabdiqaadir
https://www.premierbank.so/