https://www.premierbank.so/

Aubameyang Oo Afar Rikoor Ku Sameeyay Xasuuqii Barcelona Ee Real Madrid , Taariikhda Ayuu Isku Qoray.

Barcelona ayaa xalay Real ku soo xasuuqday 4 gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 29-aad ee La Ligaha

Saxiixa cuusb Barcelona ee Aubameyanga yaa kulankaas dhaliyay laba gool halka m idna uu caawiye ka noqday , hadaba afar rikoor aayuu sidaas ku sameeyay xiddigaan hore Arsenal .

  • Aubameyang waa ciyaaryahankii labaad ee labo gool ka dhaliya sidoo kalena caawiye ka ahaa kulankiisii ​​ugu horeysay ee El Clasico, markii ugu horeysay waxaa sidaas sameeyay xiddigii hore Real Madrid ee   Alfredo Di Stefano bishii October 25, 1953.
  • Aubameyang waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Barcelon ah oo  labo gool ka dhaliya kulankiisii ​​ugu horeeyay ee El Clasico ee iyadoo la joogo  “Santiago Bernabeu”, 53 sano ka hor ayaa arintaas ugu dambeeysay  Miguel Angel Bustillo.
  • Aubameyang ayaa labadiisa gool iyo caawinta ku noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee saddex gool ka qayb qaata kulankiisii ​​ugu horeeyay ee El Clasico tartamada oo dhan qarnigi kow iyo labaatanaad.
  • Aubameyang waxa uu noqday ciyaaryahankii 8-aad ee 7-gool ka dhaliya horyaalka Spain todobadiisa kulan ee ugu horeeya ,sidaas waxaa horay u sameeyay Di Stefano, Puskas, Miguel Gonzalez, Ronaldo Nazairo, Vieri, Zlatan Ibrahimovic, Andre Silve.
https://www.premierbank.so/