Aubameyang Oo Afar Rikoor Ku Sameeyay Xasuuqii Barcelona Ee Real Madrid , Taariikhda Ayuu Isku Qoray.
0 Comments
Barcelona ayaa xalay Real ku soo xasuuqday 4 gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaas ka tirsanaa wareegga 29-aad ee La Ligaha
Saxiixa cuusb Barcelona ee Aubameyanga yaa kulankaas dhaliyay laba gool halka m idna uu caawiye ka noqday , hadaba afar rikoor aayuu sidaas ku sameeyay xiddigaan hore Arsenal .
- Aubameyang waa ciyaaryahankii labaad ee labo gool ka dhaliya sidoo kalena caawiye ka ahaa kulankiisii โโugu horeysay ee El Clasico, markii ugu horeysay waxaa sidaas sameeyay xiddigii hore Real Madrid eeย ย Alfredo Di Stefano bishii October 25, 1953.
- Aubameyang waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Barcelon ah ooย labo gool ka dhaliya kulankiisii โโugu horeeyay ee El Clasico ee iyadoo la joogoย โSantiago Bernabeuโ, 53 sano ka hor ayaa arintaas ugu dambeeysayย Miguel Angel Bustillo.
- Aubameyang ayaa labadiisa gool iyo caawinta ku noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee saddex gool ka qayb qaata kulankiisii โโugu horeeyay ee El Clasico tartamada oo dhan qarnigi kow iyo labaatanaad.
- Aubameyang waxa uu noqday ciyaaryahankii 8-aad ee 7-gool ka dhaliya horyaalka Spain todobadiisa kulan ee ugu horeeya ,sidaas waxaa horay u sameeyay Di Stefano, Puskas, Miguel Gonzalez, Ronaldo Nazairo, Vieri, Zlatan Ibrahimovic, Andre Silve.






