https://www.premierbank.so/

DEG-DEG: Man City Vs Liverpool & Isku Aadka Semi-final-ka FA Cup-ka Oo La Sameeyay.

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka Semi-final-ka FA Cup-ka oo ay ka soo bexeen kulamo xiiso iyo xamaasad leh oo si weyn loo sugi doono.

Kooxaha chelsea, Crystal Palace, Man City & Liverpool ama Nottingham Forest ayaa iska xaadiriyay Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kulamada Semi-final-ka FA Cup-ka ayaa la ciyaari doonaa 16 iyo 17 bisha April ee soo socota iyada oo kulamadaas lagu ciyaari doono garoonka Wembley ee uu ku ciyaaro xulka England.

Kooxda gaadhay Final-ka xilli ciyaareedkii hore ee chelsea ayaa ku aaday kooxda Crystal Palace iyada oo isha ku haysa final-kii 2-aad oo xidhiidh ah.

Dhanka kale Kooxaha Liverpool Iyo Man City ayaa iska hor iman doona laakiin waa hadii ay Liverpool dhaafto kooxda Nottingham Forest kuwaas oo ciyaari doona.

Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka:

Man City Vs Liverpool/Nottingham Forest
Chelsea Vs Crystal Palace

https://www.premierbank.so/