https://www.premierbank.so/

Lixdii Ciyaartoy Ee Ceebta Usoo Jiidatay Real Madrid, Shaqsiga Kaliya Ee Ka Badbaaday Canaanta, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Kulankii Karbaashka Ee Real Madrid & Barcelona.

 

Barcelona ayaa soo karbaashtay Real Madrid oo ay ku booqatay Santiago Bernabeu, iyadoo garoonka ka dhigatay meel ay koox kali ahi ku damaashaadayso halka naadiga tobannaanka kun ee taageereyaasha ah haystayna ay xiddigahoodu ceeb iyo waji gabax madaxa foorarinayeen.

Afar gool ayay dhalisay Barcelona, halka Real Madrid ay awoodi weyday inay wax jawaab ah bixiso oo ay xataa hal gool la timaaddo.

Real Madrid ayaa sannadihii ugu dambeeyey ahayd naadiga ku gacan-sarreeyey kulamada El Clasico, waxaanay badisay dhamaan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee wixii ay hore u gaadheenba hadda ayaa laga soo matajiyey, inkasta oo aanay guul-darradan weyn saamayn ku yeelan hoggaanka horyaalka oo ay sagaal dhibcood ku hayaan, isla markaana hal dhibic oo kali ahi ka go’day kaddib barbarro ay gashay Sevilla.

Aubameyang iyo Ousmane Dembele ayaa shitay garoonka, waxaanay soo raaciyey Pedri iyo Ferran Torres oo iyaguna shaqo badan qabtay, halka difaacyahannadu ay soomiyeen ciyaartoyda dardarta badan ee Real Madrid ee Vinicius Junior iyo Rodrygo oo u jabay laacibka caqliga iyo khibradda ku kaba ee Karim Benzema oo ciyaartan ka maqnaa.

Laba gool oo uu caawintooda lahaa Dembele ayay Barcelona ku furatay ciyaarta qaybtii hore, waxaana u kala dhaliyey Pierre-Emerick Aubameyang iyo Ronald Araujo, halka qaybtii labaad bilowgeediina uu Ferran Torres si qurux badan u dhamaystiray kubbad uu ka helay Aubameyang.

Xiddiga reer Gabon ee ka raystay Arsenal ayaa dhaliyey goolka afraad.

Lixdii ciyaartoy ee ceebta usoo jiiday Real Madrid

Haddii laga tegi waayo, hal ciyaartoy ayaa Real Madrid ku jiray oo ka badbaadaya in la canaanto, waana goolhaye Thibaut Courtois oo badbaadin badan sameeyey, waliba qaybtii hore oo uu goolal caddaan ah ka dafiray Barcelona. Laakiin inta kale ee ciyaartoyda Real Madrid ayaanu midna mid dhaamin.

Lix ayaa ugu sii darnaa oo ceebta dusha ku qaadanaya, waxaana ugu horreeya afarta difaac ee Eder Militao, Nacho, Carvajal iyo Alaba, waxaana la wadaagaya Casemiro oo ay ahayd inuu ilaaliyo iyo Toni Kroos oo qaybta horeba ku haftay garoonka dhaxdiisa.

Kuwan ayay ahaayeen lixda ugu liitay guud ahaan garoonka, waxaana xataa dhaamay ciyaartoydii beddelka  kusoo gashay.

Dhamaantood waxay Carvajal, Militao, Alaba, Nacho, Casemiro iyo Kroos heleen min 5 darajadii qiimaynta ciyaarta, waana heerkii ugu hooseeyey ee kulanka laga diiwaangeliyey.

Xiddigii garoonka

 

Afar ciyaartoy oo Barcelona ah ayuu mid kastaa u qalmayay in la siiyo xiddiga garoonka, hase yeeshee waxa cid walba ka mudnaaday Pierre-Emerick Aubameyang oo ahaa laacibka labada gool dhaliyey.

Ousmane Dembele oo ahaa  burburiyaha difaaca Real Madrid iyo caawiyaha labada gool ee hore ayaa qiimaynta kulanka  ka helay darajada 9, sidoo kalena Pedri iyo Torres ayaa iyaguna darajadan la wadaagay, hase yeeshee Pierre-Emerick Aubameyang oo isaguna qiimayn 9 ah haystay sida saddexda hore ayaa la siiyey xiddigii garoonka.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Real Madrid: Courtois (7), Carvajal (5), Militao (5), Alaba (5), Nacho (5), Casemiro (5), Kroos (5), Modric (6), Valverde (6), Rodrygo (6), Vinicius (6)

Beddelka: Camavinga (6), Mejia (6), Asensio (6), Vazquez (6)

Barcelona: Ter Stegen (8), Araujo (8), Pique (7), Garcia (7), Alba (8), Busquets (7), De Jong (7), Pedri (9), Torres (9), Dembele (9), Aubameyang (9)

Beddelka: Traore (7), Depay (7), Gaviria (7), Alves (N/A), Iglesias (N/A)

https://www.premierbank.so/