Liverpool Oo Semi-finalka FA Cup Kula Ballantay Man City Kaddib Guul Cidhiidhi Ah Oo Uu Ku Hoggaamiyey Diogo Jota.
Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa usoo baxday wareegga semi-finalka FA Cup oo ay kula ballantay Manchester City oo ay isku dhaceen isku-aadkii caawa fiidkii lasoo saaray.
Jurgen Klopp ayay kooxdiisu si aad ah ugu dhibaatootay garoonka City Ground oo ay marti ku ahayd, waxaase la baxsaday Diogo Jota oo waqti dambe gool madi ah oo ah oo uu u dhaliyey ay ugu gudbeen semi-finalka FA Cup.
Liverpool oo ay ka maqnaayeen Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Trent Alexander-Arnold ayaa sidoo kale uu Jurgen Klopp kaydka dhigay Thiago Alcantara, Jordan Henderson iyo Luis Diaz.
Daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta ayuu Diogo Jota xerada ganaaxa la galay kubbad halis badnayd oo uu difaacyahannada soo xeeladeeyey, waxaase isku dhigay Warrall oo ku riday xerada ganaaxa dhaxdeeda, waxaanu laacibka reer Portugal dalbaday rikoodhe aanu dooddiisa ku guuleysanin.
Garabka bidix oo uu sidoo kale ka maqnaa Andy Robertson ayaa laga dareemayay in ay Liverpool ka liidato, iyadoo uu Tsimikas awoodi waayey inuu dhinacaas ka keeno kubbado halis geliya goolka Nottingham City.
Fursado badan ma aanay helin labada kooxood qaybta hore, inkasta oo ay soo qaadeen weerarro ay xerada ganaaxa keeneen, hase yeeshee kooxda tababare Cooper ayaa si fiidan u habaysnayd oo laba jeer halis gelisay goolhaye Alisson Becker. Lolley iyo Johnson ayaan si fiican uga shaqaynin kubbado ay usoo dhiibeen Zinchernagel iyo Davis.
Jurgen Klopp ayaa afar beddel sameeyey qaybtii labaad, waxaanu isasoo raaciyey Luis Diaz, Jordan Henderson, Thiago Alcantara iyo Minamino, waxaanay ciyaartoydani isbeddel ku sameeyeen ciyaarta, iyagoo fure ugu noqday guusha.
Dhamaadka ciyaarta oo ay 12 daqiiqadood ka hadhsan tahay ayuu Diogo Jota lugta geliyey kubbad uu Tsimikas kasoo qaaday dhinaca bidix, sidaas ayaanay Liverpool ku heshay guusha ciyaarta.
Daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa ahaa kuwo ay Liverpool raadinaysay gool labaad iyagoo firfircooni dheeraad ah ay kusoo kordhiyeen ciyaartoyda waqtiga dambe soo gashay, hase yeeshee waxay awoodi waayeen inay jabiyaan difaaca Nottingham Forest.
Liverpool ayaa wareegga semi-finalka la ciyaari doonta Manchester City oo iyaduna fiidkii caawa soo garaacday Southampton