โMiyuu Messi Barcelona Kusoo Laaban Karaa?โ โ Xavi Oo Suโaashii La Sugayay La Weydiiyay Iyo Warcelintiisa
Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ka hadlay haddiiba ay albaabada u furayaan inuu kooxda kusoo laabto Lionel Messi oo bilooyin kahor qaab bilaash ah ugaga biiray dhinaca Paris Saint-Germain.
Barcelona ayaa xagaagii sanadkii hore si lama filaan ah u shaacisay in dhaqaale xumada kooxdeeda haysatay aysan u sahlayn inay wax heshiis kordhin ah ka saxeexato Messi taas oo dhalisay in 34 sano jirkaasi ka baxo Camp Nou.
Haatan Xavi oo saxaafada la hadlay kahor kulanka Clasico ee berrito ayaa mar wax laga weydiiyay suurogalnimada soo laabashada Messi sheegay in markasta kooxda laga soo dhawayn doono xiddiga Argentine-ka ah.
โIsagu waa midka ugu fiican taariikhda markastana isaga waa lagu soo dhawayn doonaa Barcelonaโ ayuu hadalkiisa ku bilaabay 42 sano jirka ree Spain.
โIlaa inta aan anigu tababaraha ahay, muhiim maaha haddii uu doonayo inuu maalin kasta halkan yimaado, waxaan filayaa inaanu abaal badan u haynoโ.
โIsagu heshiis ayuu kula jiraa PSG wax yar ayaananu ka odhan karnaa. Tusaale ahaan haddii uu doonayo inuu maalinkasta yimaado tababarka oo uu tababaraha la hadlo. Waxa uu na siiyay maaha wax la goyn karoโ.
Dhinaca kale Xavi ayaa sheegay in kulanka Clasico uu mid adag ku yahay kooxdiisa balse ay garoonka u gali doonaan si ay u weerartamaan oo saddexda dhibcoodna usoo qaataan.






