https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Southampton v Man City – Rajada Saddexda Koob Ee Sky Blues Oo Imtaxaan Maraysa, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka

 

Southampton iyo Manchester City ayaa geesaha isla galaya fiidnimada caawa kulan ah wareega siddeed dhammaadka FA Cup oo ay kooxda guusha heshaa tigidhkeeda Wembley Stadium goosan doonto.

Saints ayaa FA Cup kusoo guuleystay sanadkii 1976 halka Sky Blues ay lix jeer kusoo guuleysteen tartankaas iyadoo markoodii ugu dambaysay ay ahayd 2019.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababaraha Southampton ee Ralph Hassenhutl ayaa sheegay in kooxdiisa ay kulankan ka maqan yihiin kaliya labada xiddig ee kala ah goolhaye Alex McCarthy iyo daafaca Lyanco.

Dhammaan xiddigaha kale ee Saints sida Nathan Tella ayaa tababarka qaatay taas oo ka dhigan in tababare Hassenhutl uu go’aamo badan qaadan doono.

Dhinaca City waxa ka maqan Ruben Dias oo dhaawac bawdada ahi haleelay sidoo kale Benjamin Mendy oo ganaax kooxda ahi saaran yahay balse Cole Palmer ayaa haysta fursad uu ciyaartan kaga soo muuqdo.

Guardiola ayaa wareegii hore shax xoogan kaga hortagay Peterborough waxaana la filayaa inuu markale soo qadimi doono xiddigaha ay kamidka yihiin Raheem Sterling, Fernandinho, Ilkay Gundogan, Nathan Ake, Gabriel Jesus iyo Zinchenko.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Southampton: Caballero; Walker-Peters, Stephens, Salisu, Perraud; S Armstrong, Ward-Prowse, Diallo, Djenepo; Adams, Broja

Manchester City: Steffen; Walker, Stones, Ake, Zinchenko; De Bruyne, Fernandinho, Gundogan; Sterling, Jesus, Mahrez

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup

Garoonka: St Mary’s Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/