https://www.premierbank.so/

Aubameyang Oo Barcelona U Soo Saaray Wareega Sideed Dhamaadka & Natiijooyinka Kulamadii Kale Ee Europa League.

Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega sideed dhamaadka Europa League ka dib markii ay 2-1 ku dubteen kooxda Galatasaray lugtii labaad ee wareega 16ka.

Aubameyang ayaa goolka guusha u saxiixay bilowgii qeybta labaad ka dib markii Pedri uu kansalay gool ay ku hormartay Galatasaray.

Kabtankii hore ee Arsenal ayaa durbaba noqonaya xiddig ay jeclaadeen jamaahiirta Barcelona isagoo maraya goolkiisii 7aad ee 10 kulan uu saftay.

Kooxda martida loo ahaa ee Galatasaray ayay ku qaadatay ilaa daqiiqadii 28aad inay hogaanka u qabato ciyaarta markii kabtan Marcao uu madax ku dhaliyay kubad cajiib ah isagoo aan wax fursad ah siinin goolhaye ter Stegen.

Toban daqiiqo ka dib Barcelona ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay goolkaas iyadoo gool lala dhacay uu dhaliyay Pedri. Wuxuu kubad ka helay Torres isagoo u ogolaaday in Marcao uu isa soo tuuro islamarkaana uu seego kubada ka hor inta uusan shabaqa cusjinin.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Barca ayaa ku dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta markii kubad uu soo dhigay Adama Traore uu madaxeeyay Aubameyang balse waxay ku dhacday birta iyadoo lagu kala nastay barbaro gool iyo gool ah.

Shan daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta markii uu Aubameyang kubad labo jeer la soo badbaadiyay shabaqa dhex dhigay. Busquets ayaa markii hore kubad laga badbaadiyay ka dib Pedri ka hor inta uusan De Jong kubada u dhigin Aubameyang oo gool u bedelay.

Aubameyang ayaa wacdarro u dhigaya Barcelona isagoo haatan dhaliyay todoba gool toban kulan uu u saftay.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 iyadoo Barcelona ay u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka Europa League.

Dhanka kale kooxda Serie A ka dhisan ee Atalanta ayaa u soo baxday wareega sideeda Europa League ka dib markii ay 1-0 caawa ku dubatay Bayer Leverkusen oo marti loo ahaa iyadoo Atalanta ay sidoo kale kulankii lugta hore ku soo badisay 3-2.

Rangers ayaa iyadana u soo gudubtay wareega sideed dhamaadka inkastoo ay caawa guuldarro 2-1 kala kulmeen Red Star Belgrade balse waxay ku soo baxeen guul wadareed 4-2 ah.

 

SC Braga ayaa reebtay Monaco iyadoo u soo gudbtay wareega sideed dhamaadka markii ay caawa barbaro 1-1 ku galeen Faransiiska taasoo ka dhigan in kooxda reer Portugal ay ku soo baxday natiijo wadareed 3-1 ah.

 

 

 

https://www.premierbank.so/