https://www.premierbank.so/

Gary Neville Oo Magacaabay Booska Ay Liverpool Kaga Fiicantahay Man City.

 

Sida laga soo xigtay halyeeyga Manchester United Gary Neville, Liverpool ayaa dookhyada weerarka kaga wanaagsan kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Manchester City.

Reds ayaa weerarka ku haysata Mohamed Salah, Diogo Jota, Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Luis Diaz. Waxa ayna soo bandhigeen awoodooda weerarka kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Arsenal Arbacadii.

Xiddigaha Jota oo furay goolasha iyo Diaz ayaa lau badalay xiddigaha Salah iyo Firmino oo dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta.

Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Shaki kuma jiro in shantaas weeraryahan ee Liverpool ay aad uga xoog badan yihiin Manchester City. (Klopp) wuu ogyahay inuu haysto doorashooyin aan la rumaysan karin oo weerarka ah”.

“Hadii ayna qaar ka mid ah weerarkiisu soo bandhigin qaab ciyaareed fiican waxa uu ku badali karaa kuwa kale oo waliba farqi samayn kara”.

“Guardiola iyo kooxdiisu waxa ay dhalin kari waayeen gool kulankii Crystal Palace laakiin hadii uu Guardiola kooxda ku haysan lahaa Salah ama Firmino, Waxa aan hubaa in uu ciyaarta galin lahaa si ay gool ugu dhaliyaan”ayuu sii raaciyay.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/