https://www.premierbank.so/

Mikel Arteta Oo Afka Furtay: “Cadaalad Ma Ahan Waxa Ay Nagu Sameeyeen Maamulka Premier League”

 

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku weeraray maamulka Premier League sida ay u sameeyeen jadwalka horyaalka ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro 2-0 ka soo gaartay Arsenal xalay oo Arbaco aheyd.

Gunners ayaa durbaba isku diyaarineysa kulan ay marti yihiin oo ay duhurnimada Sabtida la dheelayaan kooxda Aston Villa iyadoo Arteta uu sheegay in kulamo sidaan isagu dhow ay kooxdiisa la dheeli doonto Chelsea iyo Manchester United bisha soo socota.

Arteta oo u hadlayay si kajan ah ayaa yiri: “Waad ku mahadsan tihiin maamulka Premier League inaad sidaan nagu sameysaan, waxaadna sidoo kale nagu sameeyeen marka aan la ciyaareyno Chelsea iyo Manchester United” ayuu yiri.

“Maamulka Premier League wuxuu u faa’ideynayaa kooxahaas, sidaasi darteed waxaan maanta ku leeyahay iyaga, waad mahadsan tihiin inaad sidaan nagu sameyseen.”

Inkastoo ay kulamo ad-adag oo isku xigxiga ay ciyaarayaan hadana Arteta ayaa sheegay in kooxdiisa ay diyaar u tahay imtixaanka horyaalka marka ay booqdaan Villa Park.

“Waxba haka walwalina, ciyaartoyda Sabtida waxay garoonka soo geli doonaan iyagoo tamar leh. Si fiican ayay u seexan doonaan, si fiican ayayna wax u cuni doonaan laakiin maamulka Premier League ayaa ku mahadsan inay jadwalka sidaan ka dhigaan. Aad iyo aad ayay inoo caawineysaa.”

“Wixii ay maamulka Premier League nagu sameeyeen ma ahan cadaalad.”

Inkastoo Arteta uu shaki geliyay dhexdhexaadnimada maamulka Premier League hadana waxaa la sheegay inuu ka badbaaday in lagu ciqaabo hadalkiisa.

 

 

https://www.premierbank.so/