https://www.premierbank.so/

Man City, Real Madrid, Bayern Munich & Kooxaha Ay Liverpool Ku Aadi Karto Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

 

Todobaadkii hore Liverpool ayaa guul 2/1 ah ka gaadhay kooxda Inter Milan kulamadii labada lugood ee wareega 16-ka waxana ay iska xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka champions League.

Haatan waxa dhamaystirmay kooxaha 8 dhamaadka champions League waxana ay kooxuhu sugayaan isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League kaas oo la qaban doono jimcaha.

Kooxda Liverpool ayaa sugaysa in ay ogaato kooxaha ay ku aadi doonaan wareega xiga ee tartanka xilli uu tartanku marayo meel xiiso leh maraya.

Liverpool ayaa ku aadi karta 7 ka mid ah kooxaha ku hadhay tartanka champions league kuwaas oo kala ah Bayern, Man City, Real Madrid, Atletico Madrid, Benfica, Chelsea, Villarreal.

Kooxda.com ayaa xusaysa in isku aadka wareegan uuna jirin kooxo la kala ilaalin doono maadama ay kooxo walba isku aadi karaan wareega 8 dhamaadka.

 

 

 

https://www.premierbank.so/