https://www.premierbank.so/

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Liverpool – Yaa Kusoo Bilowday Yaase Maqan?

 

Liverpool iyo Arsenal ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin gudaha garoonka Emirates Stadium, waxaanay ku dagaallami doonaan sidii ay qolo walba dhinacooda u heli lahaayeen guusha oo mid walba saamayn ku yeelanaysa sida uu noqonayo xilli ciyaareedkoodu.

Liverpool ayaa raadinaysa guul ay hal dhibic oo kaliya ugu jirsato Manchester City oo hoggaanka horyaalka haysa, halka Arsenal oo badisaa ay isku ballaadhin doonto kaalinta afraad oo ay afar dhibcood ka sarrayn doonto Manchester United oo shanaad ku jirta.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo dhaawac kasoo gaadhay kulankii Brighton ayaa kaydka kusoo bilowday kaddib markii uu si buuxda taam ugu noqon waayay ciyaartan, waxaana afka hore ee weerarka kusoo wada bilowday Luis Diaz, Diogo Jota iyo Sadio Mane.

Khadka dhexe ayuu mar kale kusoo bilowday Thiago Alcantara oo ay wehelinayaan Fabinho iyo Jordan Henderson, halka difaacana aanu isbeddel ku imanin oo ay wada taagan yihiin Virgil van Dijk, Robertson, Joel Matip iyo Alexander-Arnold.

Jurgen Klopp waxa uu kaydka dhigay Salah oo aan si buuxda taam u ahayn iyo Firmino oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa, waxaana wehelinaya Keita, Oxlade-Chamberlain iyo Jones.

Arsenal ayay ugu soo bilowdeen xiddigihii guusha weyn soo hooyey usbuucii hore ee garaacay Leicester City, waxaana weerarka kusoo wada bilowday Gabriel Martinelli iyo Alexandre Lacazette, halka khadka dhexena ay joogaan Granit Xhaka, Bukayo Saka, Thomas Partey iyo Martin Odegaard.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson, Henderson, Fabinho, Thiago, Diaz, Jota, Mane.

Kaydka: Kelleher, Konate, Keita, Firmino, Salah, Gomez, Oxlade-Chamberlain, Jones, Minamino.

 

Arsenal XI: Ramsdale, Cedric Soares, White, Gabriel, Tierney, Partey, Xhaka, Saka, Odegaard, Martinelli, Lacazette.

Kaydka: Leno, Smith Rowe, Holding, Pepe, Tavares, Lokonga, Elneny, Nketiah, Swanson.

 

 

 

https://www.premierbank.so/