https://www.premierbank.so/

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Juventus vs Villarreal – Vlahovic & Moratta Oo Kusoo Bilowday Iyo Dybala Oo Kaydka La Dhigay.

 

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa garoonkeeda Allianz Stadium ku qaabbilaysa Villarreal lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League. Ciyaartii hore ee labada kooxood ee ka dhacday Spain ayay labada kooxood kusoo kala  baxeen barbarro 1-1 ah.

Maadaama sharcigii goolka martida meesha laga saaray, Juventus iyo Villarreal ayay mid walba u baahan tahay inay guuleysato, mana jiro barbarro saacidaya midkoodna, waxaana haddii ay waqtiga caadiga ah ku kala adkaan waayaan lagu dari doonaa soddon daqiiqadood oo dheeraad ah, illaa la isla gaadhayo rikoodheyaal.

Maximilliano Allegri ayaa kusoo bilaabay saxeexa cusub ee Vlahovic oo goolka Juventus dhaliyey lugtii hore iyadoo ilbidhiqsiyo yar socotay ciyaartu, waxaana weerarka ku wehelinaya Alvaro Moratta.

Khadka dhexe ayuu Maxi Allegri awoodda saaray, waxaana ka wada ciyaaraya Rabiot, Locatelli, Arthur, iyo Cuadrado, halka difaacana ay joogaan De Ligt, Rugani, De Sciglio iyo Danilo.

Villarreal ayay iyadana ugu soo bilowdeen Danuma oo hoggaaminaya weerarka iyo Lo Celso oo kaalinaya, waxaana khadka dhexe ka taageeraya Trigueros, Manu, Parejo iyo Capoue.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Juventus XI: Szczesny; Danilo, De Ligt, Rugani, De Sciglio; Cuadrado, Arthur, Locatelli, Rabiot; Vlahovic, Morata

Kaydka: Pinsoglio, Perin, Chiellini, Dybala, Pellegrini, Kean, Bernardeschi, Miretti

Villarreal XI: Rulli; Aurier, Albiol, Pau Torres, Capoue; Estupiñan, Parejo, Manu Trigueros; Lo Celso, Yeremy Pino, Danjuma

Kaydka: Asenjo, Mario Gaspar, Gerard Moreno, Foyth, Iborra, Chukwueze, Dia, Coquelin, Pena, Mandi, Moi Gomez, Pedraza

 

 

https://www.premierbank.so/