AKHRISO: Real Madrid & Atletico Oo Laga Mamnuucay Inay Wada Ciyaaraan Iyo Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Isku-aadka Wareegga Siddeedda Champions League.
Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa isku diyaarinaya isku-aadka wareegga siddeedda tartanka Champions League oo ay naadi walba uu ogaan doono cidda ay tahay inuu la dagaallamo si uu ugu gudbo wareegga afar dhamaadka.
Lix kooxood ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeeda, iyadoo caawana ay kusoo biirayaan laba kale, waxaana sidaas kusoo idlaan doona kulamadii min labada ahaa ee wareegga 16ka.
Tartanka Champions League oo galay marxaladdii ugu xiisaha badnayd waxa ka hadhay naadiyo waaweyn oo loo saadaalinayay inay ku guuleysanayaan amaba meel fiican gaadhi karayaan, waxaana ka mid ah Paris Saint-Germain, halka Manchester United la saadaalinayay inay soo gaadhi karto wareegga siddeedda, hase yeeshee labadoodaba waxa tartanka ka cidhib-tiray kooxaha reer Madrid ee Real iyo Atletico.
Lixda kooxood ee soo gudbay iyo labada la sugayo
Liverpool, Bayern Munich, Manchester City iyo Real Madrid ayaa toddobaadkii hore soo gudbay, waxaana xalay kusoo biiray labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Benfica.
Isla caawa ayaa la xaqiijinayaa labada kooxood ee dhamaystiraya siddeedda naadi ee wareeggan ku tartami doona. Juventus ayaa la ciyaaraysa Villarreal, halka Chelsea ay u tegayso kooxda ay kulankii hore soo garaacday ee Lille.
Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga siddeedda Champions League
Maalinta Jimcaha ee foodda inagu soo haysa ee ay taariikhdu tahay 18 March, 2022 ayaa xaflad lagu qaban doonaa magaalada Nyon ee waddanka Switzerland, waxaana lagu samayn doonaa isku-aadka wareegga siddeedda.
Sidee ayuu u shaqeeyaa isku-aadka wareegyada siddeedda, semi-finalka iyo Finalku?
Hal shuruuc oo kaliya ayaa lagu xidhaa wareegga siddeedda, kaas oo lagu kala ilaaliyo kooxaha. Siddeedda kooxood ee min labada la iskugu aaddinayo wareegga siddeedda, waxa laga ilaalin doonaa inay isku dhacaan laba kooxood oo hal magaalo ka wada dhisan, mana jiraan wax shuruudo ah oo kale oo ku xidhan.
Tusaale ahaan, Real Madrid iyo Atletico Madrid iskuma dhici doonaan, waxaana diidaya sharciga in ay wareegga siddeedda wada ciyaaraan.
Sidii wareegga 16ka oo kale, kulamadan ayaa noqon doona laba lugood oo marba guri lagu dheeli doono, mana shaqayn doono sharciga goolka martida ee ay kooxdu garoonka kale kusoo dhaliso.
Sidee ayuu kusoo dhamaaday wareeggii 16ku?
BAYERN MUNICH 8-2 Salzburg (Isku-darka labada lugood)
LIVERPOOL 2-1 Inter (Isku-darka labada lugood)
PSG 2-3 REAL MADRID (Isku-darka labada lugood)
Sporting 0-5 MANCHESTER CITY ( (Isku-darka labada lugood)
Manchester United 1-2 ATLÉTICO MADRID (Isku-darka labada lugood)
Ajax 2-3 BENFICA (Isku-darka labada lugood)
Chelsea 2-0 Lille – Caawa ayaa natiijada la sugayaa
Villarreal 1-1 Juventus – Caawa ayaa natiijada la sugayaa
Taariikho muhiim ah
April 5 & 6: Lugta koowaad ee wareegga siddeedda ayaa la ciyaari doonaa.
April 12 & 13: Kulamada lugta labaad ayaa la dheeli doonaa.
April 26 & 27: Lugta hore ee kulamada semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa
May 3 & 4: Kulamada labaad ee semi-finalka ayaa dhici doona
May 28: finalka Champions League ayaa la ciyaari doonaa.
Halkee lagu qabanayaa finalka Champions League?
Garoonka xulka qaranka Faransiiska ee Stade de France ee magaalada Paris ayaa lagu ciyaari doonaa finalka Champions League ee sannadkan. Hore waxa loogu qoondeeyey magaalada St. Petersburg ee waddanka Faransiiska, hase yeeshee markii uu Ruushku weeraray Ukraine ayaa laga soo beddelay.