https://www.premierbank.so/

Ferland Mendy Oo Macasalaameeyey El Clasico, Benzema Oo Waqtigu Ku Yar Yahay Iyo Xiddigaha Ay Real Madrid Waayeyso Kulanka Barcelona.

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee difaaca reer France ee Ferland Mendy kulanka Barcelona ee Axadda oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii horyaalka LaLiga ee Real Mallorca ee  Isniintii.

Mendy ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo laba toddobaad ah, hase yeeshee Carlo Ancelotti ayaa ka walaacsan taam ahaanshaha ciyaartooyo kale, sida Karim Benzema  oo isagana uu dhaawac kasoo gaadhay kulankii uu labada gool ku dhaliyey Son Moix ee Real Mallorca.

Labadan laacib ee reer France ayaa garoonka  ka baxay, awoodina waayey in ay ciyaarta sii wataan, hase yeeshee Mendy ayaa booskiisa ay buuxin karayaan David Alaba, Nacho ama Marcelo, waxayse dhibaato weyn kala kulmi doonaan ciddii buuxin lahayd Karim Benzema haddii uu kusoo kaban waayo maalmaha kooban ee uu haysto.

Sida uu qoray wargeyska Marca, Ferland Mendy waxa uu garoomada kusoo laaban doonaa marka laga soo noqdo fasaxa kulamada caalamiga ah, halka Karim Benzema uu dhaawaciisu ka fudud yahay midka Mendy oo aanay Real Madrid ka rajo dhigin inuu taam u noqonayo ciyaarta Barcelona.

Luka Jovic oo aan in muddo ah ciyaarin ayaa noqon doona beddelka Benzema haddii maalinta Jimcaha laga waayo garoonka tababarka, waxaase sidoo kale dookh ah oo la ciyaarsiin karayaa Eden Hazard, Gareth Bale iyo Mariano Diaz inkasta oo labada hore aanay ahayn weeraryahano dabiici ah.

Da’yarka reer Brazil ee Rodrygo Goes ayaa isaguna dhaawac ku baxay kulankaas markii lugta lagaga istaagay, waxaana tijaabooyinkii lagu sameeyey ay muujiyeen in kaliya ay soo gaadhay oo uu diyaar u noqonayo ciyaarta Barcelona ay kusoo dhoweynayaan Santiago Bernabeu.

Tababarkii saaka ee Real Madrid waxa dib ugu soo noqday Eder Militao oo xanuun kaga maqnaa ciyaartii Mallorca, waxaanu diyaar u noqon doonaa kulanka El Clasico.

 

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/