https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Lille v Chelsea – Blues Oo Wareega Siddeeda Lug Kula Sii Jira, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka.

Chelsea ayaa rajaynaysa inay dhammaystirto shaqada uga hadhsan inay gaadho wareega siddeed dhammaadka ee Champions League kulanka ay caawa dalka France ku booqanayso kooxda difaacanaysa horyaalka Ligue 1 ee Lille.

Blues ayaa lugtii hore 2-0 uga soo adkaaday Lille kaddib laba gool oo ay ka kala heleen Kai Havertz iyo Christian Pulisic.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lille ayaa warar isku dhafan heshay kahor kulankan, warka wanaaagsan ayaa ah in Benjamin Andre uu kusoo laabtay kooxda isla markaana uu diyaar u yahay kulankan.

Xeka ayaa la filayaa inuu Andre khadka dhexe kala ciyaari doono halka Gabriel Gudmundsonn iyo Jonathan Bamba ay garbaha weerarka fuulayaan iyaga oo caawin doona labada weeraryahan oo ay u badantahay inay noqon doonaan Jonathan David iyo Burak Yilmaz.

Dhinaca Chelsea, Tababare Tuchel ayaa helaya warar dhagihiisa u fiican kaddib markii ay soo kabteen xiddigaha dhaawacyada iyo xanuunada kaga maqnaa ee Azpilicueta, Marcos Alonso, Callum Hudson-Odoi iyo Reece James.

James ayay u badantahay inuu keydka soo fadhiisan doono iyadoo Azpilicueta uu kusoo bilaabanayo garabka midig.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Lille (4-4-2): Jardim; Celik, Fonte, Botman, Djalo; Bamba, Andre, Xeka, Gudmundsson; David, Yilmaz

Chelsea (3-4-3): Mendy; Christensen, Silva, Rudiger; Azpilicueta, Kante, Kovacic, Alonso; Ziyech, Havertz, Pulisic

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Stade Pierre-Mauroy

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Davide Massa (Italy)

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/