https://www.premierbank.so/

RASMI: Barcelona Oo Heshiis Weyn La Gashay Shirkadda Spotify & Magaca Cusub Ee Camp Nou Loo Bixinayo.

Kooxda Barcelona ayaa habeenimadii Salaasadii xalay si rasmi ah u shaacisay inay heshiis la saxeexatay shirkada muusiga ee Spotify.

Mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan ee heshiiskaas lagu daray ayaa ah garoonka Barcelona ee Camp Nou oo kaddib heshiiskan uu magaciisu noqon doono Spotify Camp Nou. Heshiiska ayaa 3-da bisha April qaab fogaan-arag ah.

 

Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee magaca Camp Nou ganacsi la geliyo, Barcelona ayaan magaca garoonkeeda wax heshiis ah ku galin tan iyo markii dib loo dhisay sanadkii 1957-kii.

 

Baahiyaha dhaqaale ee ay Barcelona ku jirto iyo fursadaha ganacsi ee ay heshay ayaa ku sababay inay wax ka bedel ku samayso magaca Camp Nou.

Sidoo kale magaca shirkadda ee Spotify ayaa kasoo muuqan doona laabta hore ee maaliyadaha ragga iyo dumarka kooxda laga bilaabo xilli ciyaareedka dambe ee 2022-23.

 

Maaliyadaha ciyaareed ee kooxda ayuu magaca shirkaddu kasoo muuqan doonaa afar xilli ciyaareed halka kuwa tababarka uu saddex sano ku xardhanaan doono.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/