https://www.premierbank.so/

DEG-DEG: Mustaqbalka Lionel Messi Ee PSG Oo Uu War Cusub Kasoo Kordhay – Miyuu Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Parc des Princes?

 

Kaddib markii ay PSG ka hadhay tartanka UEFA Champions League oo wareegga 16ka ay Real Madrid ku karbaashtay 3-2 isku-darka labadii lugood, waxa uu mugdi galay mustaqbalka ciyaartoyda waaweyn ee kooxdaas oo uu ku jiro Lionel Messi, kuwaas oo la sheegay inay danaynayaan inay ka tagaan Parc des Princes.

Dersin ciyaartooyo ah ayaa la rumaysan yahay in Nasser Al-Khelaifi iyo Leonardo ay mar horeba go’aamo ka gaadheen, waxaana shalay lasoo bandhigay magacyada sagaal ciyaartoy oo ka tregi doona naadigaas, waxaana ku jira Kylian Mbappe.

Lionel Messi ayaa isagana uu aabbihii la xidhiidhay Barcelona oo la sheegay inay isla soo qaadeen suurtogalnimada sidii uu laacibkani ugu laaban lahaa Camp Nou kaddib markii ay taageereyaasha kooxdu ku ooriyeen intii ay socotay ciyaartii Bordeaux ee Axaddii oo mar kasta oo uu kubadda taabto lagu qaylinayay.

 

Waxa kale oo isaguna shaki la gelinayaa inuu sii joogayo kooxda xiddiga  reer Brazil ee Neymar Jr oo ay wararka qaarkood sheegayaan in Manchester City danaynayso.

Messi oo xagaagii si xor  ah ugu wareegay PSG kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Barcelona ee heshiis cusubna la siin waayay, ayaa waxa hadal-hayntii ka taagnayd mustaqbalkiisa waxa uu kusoo afjaray go’aan uu gaadhay oo ah haddii uu ka tegayo kooxda iyo in kale.

 

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa UK, ayaa la hadlay qof ay isku dhow yihiin Lionel Messi oo uu go’aankiisana laacibkani la wadaagay, waxaanu sheegay in uu qorshaha Messi yahay inuu sii joogo kooxda oo aanu ka tegin PSG xagaaga soo socda, isla markaana uu dhamaysto heshiiskiisa oo uu sannad kale ka hadhsan yahay.

 

34 jirkan ayaa xagaaga dambe ka fiirsan doona in uu aqbalayo sannad saddexaad oo dookh ahaa oo u dhexeeyay labada dhinac, balse xilli ciyaareedka soo socda ayuu sii joogi doonaa Parc des Princes.

 

 

 

 

https://www.premierbank.so/