https://www.premierbank.so/

RIKOODH: Karim Benzema Oo Dhigay Rikoodh Cusub Oo Aanu Abid Ciyaartoy Faransiis Ahi Gaadhin, Waxaanu Meel Saaray Thierry Henry.

Karim Benzema ayaa u muuqda inuu hadda uun gaadhay xilligii ay ugu fiicnayd xirfaddiisa ciyaareed, waxaana xalay loo diiwaangeliyey rikoodh aanu jirin ciyaartoy kale oo Faransiis ah, isaga oo dhaafay Thierry Henry.

Weeraryahanka Real Madrid ayaa laba gool dhaliyey xalay kulankii ay kooxdiisu 3-0 ku muquunisay Real Mallorca, waxaanu sidaas ku noqday ciyaartoyga Faransiiska u dhashay ee abid ugu goolasha badnaa kubadda cagta.

Thierry Henry ayaa muddo dheer rikoodhkan ku haystay 411 gool, hase yeeshee Benzema ayaa hadda yeeshay 413 gool oo uu dhaliyey intii uu garoomada ku jiray, waxaana uu sidaas kula wareegay rikoodhka ah ciyaartoygii Faransiiska ahaa ee dhaliya goolasha ugu badan.

Karim Benzema oo ay da’diisu tahay 34 jir, waxa uu Real Madrid u ciyaarayaa sannadkiisii 13aad, waxaana uu xiolli ciyaareedkani noqonayaa midka uu goolashii ugu badnaa dhaliyey intii uu garoomada ku jiray, taas oo muujinaysa inay kubaddiisu hadda uun qaangaadh tahay, da’duna aanay wax saamayn ah ku lahayn.

Saddexlaydii uu ka dhaliyey Paris Saint-Germain toddobaadkii hore ayuu ku barbarreeyey rikoodhka gool-dhalinta ee Thierry Henry, Isniintii xalayna waxa uu awooday inuu laba gool dhaafo, waxaanu haystaa fursad uu kusii dheeraysto tirada goolashiisa maadaama uu qorshihiisu yahay inuu sannado kale sii ciyaaro.

Xilli ciyaareedkan socda waxa uu horyaalka LaLiga ka dhaliyey 22 gool iyo 11 uu caawiye ka noqday, waxaana meel usii taalla abaal-marinta Pichichi ee kabta dahabka horyaalka Spain oo aanu waligii ku guuleysan, ciyaartoyga kusoo xiga oo ah Vinicius Junior na waxa uu leeyahay 14 gool.

Maadaama isaga oo 34 jir ah uu jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta Thierry Henry ee 411 gool, su’aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay inta gool ee uu u dhalin lahaa xulka qarankiisa Faransiiska  oo uu ka maqnaa shan sannadood iyo badh haddii uu tababare Didier Deschamps soo xulan lahaa.

 

 

https://www.premierbank.so/